WorldRemitAds

Dalka Maraykanka oo ah ka ugu horeeya tignoolajiyada casriga ah ee dunida, waxaanu dalkaasi ahaa kii ugu horeeyay adeegsiga iyo samaynta kaambuyuutarada iyo waxyaabo badan oo qalabka tignoolajiga ah.

Laakiin ma rumaysan karaysa akhriste in dalkaas ay ku nool yihiin, dad aan tignoolajiga iyo horumarkaasi wali maankooda degin, oo sixirka iyo fooxisooyinka kaga kalsooni badan.

Joey Talley waa haweenay ku nool magaalada San Francisco ee dalka Maraykanka, waxa ay caan ku tahay, adeegsiga sixirka iyo fooxinta ama aleelo iyo turub dhigista, haweenaydan ayaa marka kaambuyuutarada iyo aaladaha kale ee casriga ah sida telefoonada gacantu xumaadaan cilad saaristooda u adeegsata sixir iyo waxyaabo kale oo khuraafaad ah.

SomlegalAds

Sida ay ku warantay jariirada Businessinsider, haweenaydan reer San Francisco ee Joey Talley oo dadka qaarkood ku naanaysaan, wasiirka Sixirka iyo Khuraafaadku, waxa ay aaminsan tahay in sixirku wax walba hagaajiyo, cilad kasta oo qalabka kaga dhacdana ay ku hagaajiso.

Marka fayris ka galo, kambuyuutar ama cilad kale oo dhinaca barnaamijku kaga dhacdo ayay adeegsataa sixirka iyo waxyaabaha khuraafaadka ah.

Haweenaydan ayaa marka ciladi kaga dhacdo kaambuyuutar ama telefoon Smart ah, qiijisa Turub iyo waraaqo kale oo ay gubto, ka dibna waxa ay akhridaa waxyaabo sixir ah, intaa kuma joogtee weel inta ay qaadato ayay biyaha suuliga soo dartaa oo marba iyadoo jilba joogsanaysa labada gacmoodna isu saartay sida Hindidu dadka u salaamaan ay wadaa, ilaa sida ay ku dooday fayriska iyo ciladu ka baxayso oo uu nadiif ka noqonayo.

Joey Talley ayaa markii waysiga laga qaadayay u yeedhay, qof ay sheegtay inay jaar yihiin, oo ay u hagaajisay, kaambuyuutar barnaamijku ka baxay fayrisna ka galay, kaas oo qiray inay u hagaajisay oo markii ay fayriska ka saaraysay, uu arkayay haweenaydan oo jidhkeedu is badalay oo marba midab noqonayo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.