WorldRemitAds

Maamulka dalka Shiinaha ayaa si mucjiso ah u xaliyay muran dhex maray tagsiilayaasha ku hawl gala ee magaalooyinka waaweyn ee dalkaas, tagsiilayaasha ayaa laba kooxood u kala jabay, ka dib markii sida wakaaladaha wararku sheegeen ay tagsiilayaasha aan ruqsada wadista gaadiidka haysanin ay la wareegeen shaqadii.

Dalka Shiinaha waxa tobankii sanadood ee u danbeeyay si wayn ugu xoogaystay dirawalo aan ruqsada wadista gaadiidka haysan oo kuwii sharciga ahaa kala wareegay shaqadii, ka dib markii ay lacag jaban iyo qiime raqiis ah bilaabeen in ay dadka ku qaadaan.

Dirawalada ruqsada leh, ee cashuurta bixiya ayaa u cawday maamulka dalkaas, waxaanay ka dalbadeen in deg deg wax looga qabto dirawalada bilaa sharciga ah ee suuqa iyo macaamiisha kula tartamaya, hasa yeeshee maamulka gobolka Chengdu ayaa soo saaray fasax uu dirawalada sharciga haysta u siinayo in ay gacantooda wax kaga qabtaan oo iyagoo shaqaynaya ay ka jajabiyaan gaadiidkooda.

SomlegalAds

Konton dirawal oo cadhaysan isla markaana sita baangado iyo qasabado ay dhex qaadeen gaadiidka dirawalada bilaa sharciga ah ee degaankooda, halkaas oo ay gacanta la dhex qaadeen, sida warbaahintu sheegtay waxa weerarkaas ku burburay in ka badan 140-gaadhi ama tagsi.

Gaadiidlayda tagaasida aan sharciga haysan ee dalka Shiinaha oo u badan kuwo ay leeyihiin dad aan aqoon iyo waxbarasho ay ku shaqo tagaan lahayn, waxa inta badan ay yihiin kuwo duug ah oo ay ranji ku soo qurxiyaan, hasa yeeshee waxa gaadiidkan ay dhibaato ka haysataa dadka raaca oo marka hore u xisha lacagta jaban laakiin marka ay shil ku galaan, waaya caymis iyo cid damaanad qaada dawadooda.

Isku soo wada duubo dhacdadan oo warbaahintu ku tilmaantay mid axmaqnimo ah oo dawladu isku fasaxayso dadka rayidka ah ayaa ku dhamaatay boqol ku dhawaad gaadiidka aan ruqsada lahayn oo goobtaa lagu jajabiyay.

Maayarka magaalada Chengdu ayaa warbaahinta isna dhiniciisa u sheegay in uu go’aankan u qaatay, si tagaasiilayda sharci darada ku shaqaysataa ay suuqa uga baxaan ka dib markii marar hore oo laga codsaday ay ka dhego adaygeen, Maayerka ayaa intaa ku daray in dhibtu ka taagan tahay ganacsatada cashuurta la baxsatay iyo kuwa ku carigsanaya oo suuqii ka saaray kuwii cashuurta sida caadiga ah u bixinayay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.