WorldRemitAds

Sida ay ku warameen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Maraykanku waxa la xaday qabriga madaxweynihii 16aad ee Maraykanka, kana midka ahaa madaxwaynayaashii loogu jeclaa ee taariikhda dalkaas lagu hayo, kaas ah Abraham Lincoln oo xabaashiisu ku taalo deegaanka Sebrenfeld.

Inkastoo aan la aqoonsan qofka qabriga ninkan sida wayn looga tix galiyo dalkaas xaday, haddana waxa ay jariirada U.S State Journal Register oo warkan iyadu si wayn u buun buunisay ay ku warantay in qof aan la garanayn uu xaday qabrigaas, kana goostay seef ka samaysan Copper oo qabriga ku dul taalay taas oo dhererkeedu dhamaa, sida jariiradu sheegtay 91centimeters, muddo dheerna ku dul taalay qabrigaas.

Jariirada oo talaadan qabriga halyeygaa reer Maraykan lagu xaday ka hadlaysa ayaa sheegtay in sababta iyo qofka talaabadan ku kacay midna aan la garanayn taasina ay muujinayso geesinimada iyo hal adaygnimada ninkaas oo aan isagu marnaba aanay cabsi galin nidaamka sharci ee Maraykanka, isla markaana aan waxba isaga tirinayn ama aan ka baqanayn in lagu ciqaab mariyo sida ay jariiradu u dhigtay warkeeda.

SomlegalAds

Afhayeen u hadlay waaxda ilaalinta aataarta iyo taariikhda dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Illinois Dave ayaa jariirada u sheegay in xaatooyadani ay tahay tii koowaad ee ilaa qarnigii lix iyo tobnaad ku dhacda xabaalaha ay ku duugan yihiin madaxweynayaashii dalkaas soo maray oo sharci ahaan ka mid ah waxyaabaha la ilaaliyo ee astaamaha qaranka Maraykan xambaarsan.

Afhayeenkan ayaa intaa ku daray in la baadhayo seeftan jaandiga ka samaynayd oo taalo qabriga ku dul taalay oo ka samaysan ama u muqaal eg askari sita seeftan ay tahay denbi laga galay taariikhda iyo dhaxalka dadka reer Maraykan.

Abraham Lincoln waxa uu dalka Maraykanka xukumayay sanadihii 1890aadkii waxaanu ahaa nin si wayn uga soo horjeeday adoonsiga iyo kala gurka shacbiga Maraykan, waxaana lagu xasuustaa dagaalkii uu dib ugu soo celiyay gobolo ka mid ah Maraykanka oo damcay inay ka goostaan midowga Maraykanka.

Sida jariiradu ku warantay tuugadan iyo dhibaataynta loo geystay qabriga ninkaasi maaha tii ugu horaysay ee waxa jiray weeraro iyo waxyaabo ceebayn ah oo qabrigaas lagula kacay oo is xig xigay, waxaanay jariiradu tusaale u soo qaadatay waxyaabo cay ah oo lagu qoray qabrigaas sanadkii 1987-kii kuwaas oo ahaa aflagaado cunsuriyadi ku dheeehan tahay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.