WorldRemitAds

Mid ka mid ah dibad baxyada ugu layaabka badan ee dadku ku soo bandhigaan baahiyahooda iyo cabashada ay dawladoodu u gudbinayaan, ayaa lagu qabtaa caasimadda dalka Spain ee Madrid, kaas oo ay soo abaabulaan beeralayda iyo xoolo dhaqatada dalkaasi.

Mudaharaadkan oo gabi ahaanba ka duwan kuwa dunida caadiyan uga dhaca, ee dadku wax kaga dalbanayaan dawladooda iyo laamaha kala duwan ee arrimaha bulshada u qaabilsan, waxa mudaharaadayaashu dhamaan yihiin Adhi, kuwaas oo socod sida dadka dibad baxyada dhigaya ugu mara magaalada jidadkeeda waaweyn.

Mudaharaadkani malaha wax halku dhegyo ah oo dibad baxayaashu sitaan sida caadada u ah mudaharaadyada kale, sidoo kale ma jirto meelo laga khudbadeeyo iyo wax kulamo ah oo dibad baxayaasha iyo qaban qaabiyayaasha midna qabsadaan.

SomlegalAds

Rabshado kama dhacaan, booliska rabshadaha la dagaalamaana ma yimaadaan goobaha iyo jidadka uu ka socdo, dadkuna way u soo daawasho tagaan, oo aad ayay u jecel yihiin, waxaana khasaaraha kaliya ee dhici karaa, yahay mararka qaarkood oo adhigu dido.

Haddaba dibad baxa adhiga oo dhaqan soo jireen ah ka ah dalka Spain tobanaan qarnina laga soo samayn jiray, waxa beeralayda iyo xoolo dhaqatadu qabtaan wakhtiyada ay dawladooda uga cabanayaan dib u dhac nololeed ama ay ku dalbanayaan horumarin in lagu sameeyo adeegyada loo qabto.

Sida hab dhaqanka dibad baxaasi yahay waxa socod magaalada jidadkeeda waaweyn ku gaala bixiya kumanaan adhi ah, oo lagu soo hagaajiyo, kuwaas oo marka la soo mariyo meelaha beeralayda iyo xoola dhaqatadu u danta leedahay, dib loogu celiyo miyigii iyo beerihii lagu hayay.

Ka dibna waxa kulan la xidhiidha waxa ay ka cabanayaan la qaata masuuliyanta ay khusayso kuwaas oo shirka ka horna, hela codsiyo la xidhiidha mawduucan, waxa intaa ka dib laga wada tashadaa baahiyaha iyo sida wax looga qaban karo.

Sanadkan waxa ka qayb galay labo kun oo neef kuwaas oo dhex qaaday jidadka waaweyn, waxaana daawashadooda u soo baxay, kumayaal dad ah oo aad u jeclaysanayay aragtida adhi intan leeg oo laga yaabo inay u ahayd markii ugu horaysay ee ay arkaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.