WorldRemitAds

Nin u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo, Ben Donnelly, da’diisuna tahay 33-jir ayaa muddo afar sano ah, iska daayay, xidhashada kabaha, waxaanu isagoo cagaagan kabo la’aan ku dhex lugeeya caasimadda dalka Ingiriiska.

Ninkan ayaan xarago iyo isla wayni u dayn kabaha, balse duruuf xidhashada kabaha ka soo gaadhay uga hadhay, sida uu warbaahinta u sheegay, waxa uu xidhashada kabaha u daayay, dhidid qadhmuun oo kabihiisu samayn jireen, oo sida uu sheegay fadeexad iyo nacayb badan dadku ugu qaadeen, isna takoor iyo cuqdad ku beeray.

Ninkan ayaan muddo afar sanadood ah kabo cagihiisa gelin, oo gu’ iyo jilaalba cagaag ku lugeeya, waxaanu isagoo cago cad uu dhex lugeeya barafka tuulma jidadka magaalada xiliyada qabowgu jiro, halka wakhtiyada kulaylku jiro ee xagaagana uu kabo la’aantiisa ku lugeeyo jidadka laamiga ah ee aadka u kulul.

SomlegalAds

Ninkan ayaa ka waramay waayaha nololeed ee cagaagan uu caadaystay ka soo waajahay, muddadii afarta sanadood ahayd ee uu kabo la’aanta ahaa, kuwaas oo isugu jiray, dhex galka dadka iyo aragtida ay dadku kaga dareen celiyaan iyo duruufaha ama dhibaatooyinka ka soo gaadhay cagaagnaanta.

Ugu horayn waxa uu ka waramay, sida ay dadku ula yaabi jireen markii hore ee uu bilaabay inuu cagaaga ku socdo, taas oo sida uu xusay aad ugu adkayd oo aan jawaab sax ah sida uu qofka waydiiya u siiyaa ku adkayd, waxaanu yidhi, “Aad bay iigu adkayd inaan qofka I waydiiya sababta aan kabo u soo xidhan waayay aan uga jawaabo, xitaa haddii aan run u sheego way adkayd in la iga rumaystaa, laakiin waxa ay taasi dhamaatay markii aan kalsooni buuxda yeeshay ee aan isku kalsoonaaday.” Ayuu yidhi.

Ninkan ayaa ku nool xaafada Kensington ee Magaalada London, waxaana suura gal ah in maalin walba boqolaal qof ay arkaan oo ay iyagoo la yaaban ka waraystaan waxa ku kalifay inuu cagaag ku lugeeyo oo uu kabo la’aan ku dhex socdo magaalada.

Su’aalaha ugu badan waxa waydiiya, haweenka iyo carruurta oo sida uu sheegay ah, kuwo ka naxariis badan raga, kuwaas oo sida uu tilmaamay ay wakhti badan ku qaadato fahamsiinta duruufta kabo la’aanta ku kaliftay.

Ninkan ayaa ka waramay dhibaatada naftiisa ka soo gaadhay kabo la’aanta sida qodxaha, quruuradaha iyo waxyaabaha dhibaatada leh ee dhaawac ama xanuun gaadhsiin kara lugihiisa? Waxaanu yidhi, “ Waad ogtihiin in London tahay magaalo wayn oo dhibaato badan jidadku yeelan karaan, waxa jir meelo dhir badan oo qodax badani ka baxdo inaan maro, ama meelo quruurado ku jabeen aan ku istaago ama aan si deg deg ah ugu joogsado sigaar markaas uun la tuuray oo aan wali bakhtiyin balse dambas yeeshay oo aanan arkayn.

Laakiin nasiib wanaag waxaas oo dhami dhibaato badan iima gaystaan oo aad ayay u yar tahay, halista naftayda ka soo gaadhay ama inta jeer ee aan ku dhaawacmay ee lugaha wax dhaawac ahi iga soo gaadhay ayuu yidhi ninkani.

Ninkan ayaa ugu danbayntii ka waramay kalsoonida ay ku beertay haweenayda ay lamaanaha yihiin oo lagu magacaabo, Carolina Lio, oo iyadu ku taageertay kuna gacan siisay, wallow aanay iyadu kabaha tuurin oo aanay sidiisa cagaag ku lugayn jidadka, haddana taageerada ay u muujisay ayuu ku dooday inay kalsooni badan naftiisa gelisay oo uu awood badan ka helay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.