WorldRemitAds

Wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa sheegay in uu muddo sanado ah aanu afkiisa cunto gelin, kuna noolaa biyo qudha, isagoo xusay in maalintii uu quudan jiray shan iyo toban litir oo biyo ah sidaana ku noolaa sanado badan.

Wargeyska Global Times ee ka soo baxa dalka Shiinaha oo waraysi ka qaaday wiilkaas dhalinyarada ah oo lagu magacaabo Ning Xuefa ayaa sheekada ninkan ku tilmaantay mid mucjiso ah, waxaanay jariiradu sheegtay in wiilkaasi aanu ilaa markii uu barbaaray cunto afkiisa saarin, hasa yeeshee aan biyaha dhinacooda laga marin.

SomlegalAds

Hooyada dhashay wiilkan ayaa sheegtay in ilaa lix jirkiisi markii iskuulka lagu daray uu cuntada iska nacay, si joogto ahna u isticmaalo biyaha, waxa isaga iyo hooyadii wargeyska u sheegeen in maalin kasta marka uu iskuulka tagayo uu qaadan jiray wayso wayn oo toban litir qaadaysa, taas oo uu cunto ahaan u quudan jiray.

Jariirada ayaa sheegtay in halkaa nooc ee wiilkan dhalinyarada ahi ilaa yaraantiisi isticmaalayay aanay ku keenin, jidhkiisa iyo noloshiisa wax is badal ah, fiitamiinada iyo macdahana jidhkiisuna u dhan yihiin, inkastoo sida jariiradu sheegtay aanay dhakhaatiirtu aaminsanayn in qofku hal nooc oo cunto ama cabitaan ah aanu muddo dheer ku noolaan karin ama nafaqo daro ku dhici karto.

Inkasta oo uu iskuulka kaga baxay sida jariiradu sheegtay Ning isaga oo afar iyo toban jir ah waxa uu imika, noloshiisa kala soo baxa shaqo farsamada gacanta ah, waxaanu sidii caadiga ahayd u quutaa biyaha isaga oo aan wax cunto ah ku darin, waxa kale uu sheegay in wiilkaasi aanu wax tamar daro ah kala kulmin wallow shaqada uu qabtaa badan tahay wax cunto ahna aanu quudan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.