WorldRemitAds

Dhacdooyinka layaabka adduunka laga diiwaan geliyay waxa ka mid ah nin u dhashay dalka Kazakhstan, kaas oo xoog u adeegsaday laba diyaaradood ka hor istaagay inay duulaan, waxaanu ninkan oo adeegsanaya xoogiisa ku guulaystay inuu labadaa diyaaradood duulista u diido.

Ninkan oo lagu magacaabo, Sergei Tsirulnikov, sidaan hore u soo sheegnayna u dhashay dalka Kazakhstan, ayaa awooday inuu xoog ku xajiyo labo diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka loo yaqaano ah.

SomlegalAds

Layaabka Adduunka: Nin Laba Diyaaradood Ka Xoog RoonaadayLabadan diyaaradood ayaa mid walba awoodeedu tahay 120 Horsepower ama la xoog ah boqol iyo labaatan faras xoogood, ninkan ayaa labada gacmood ku kala qabsaday labo xadhig oo mid walba diyaarad lagu xidhay waxaanu adeegsaday awoodiisa, halka labada diyaaradoodna ay wax kasta oo quwad ah ay ka adeegsadeen.

Ninkan ayaa sheegay in wax kasta oo awoodiisa ah uu isku geeyay, kuna guulaystay inuu muddo sadex daqiiqo ah, ku awood tiro labadaa diyaaradood ee aadka uga xooga wayn isaga, in kastoo saddex daqiiqo ka dib ay diyaaradahani awoodeen duulista isna uu awood gabay haddana waxa ay taasi u noqonaysaa guul uu ku jabiyo rikoodhka xooga ee adduunyada u yaala.

Layaabka Adduunka: Nin Laba Diyaaradood Ka Xoog RoonaadayNinkan ayaa aad ugu farxay inuu guushan gaadho, sababtoo ah waxa uu ku taageerayay, xuska caasimadda dalkiisa ee Astana loo qabanayo oo ku beegnaa maalintii shalay ee July 6, 2018ka, taas oo isaga laftiisu uu xusay mar waraysi gaar ah lala yeeshay wax yar ka dib markii uu ku guulaystay joojinta labadan diyaaradood.

Ugu danbayntii Sergei Tsirulnikov, ayaa sheegay inuu sii wadi doono ka midho dhalinta awoodiisan u gaarka ah, waxaanu tilmaamay in aanay tani ahayn markii ugu horaysay ee uu ka xoog roonaado, aalad ama shay isaga ka xoog roon, waxaana xusid mudan in ninkani uu hore uga xoog roonaaday gaadhi kuwa afarta taayir ah iyo diyaarad kuwa rakaabka ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.