WorldRemitAds

Nin ka mid ah dadka carbista masaska iyo noolayaasha xamaarata ah oo ku nool dalka Hindiya ayaa weerar nooc cusub ah ku soo qaaday xarun lagu qaado cashuuraha oo ku taal dalkaas, waxaana sida warbaahintu sheegtay uu ninkani gudaha xafiiskaas oo ay ku sugan yihiin shaqaalihii kastamku ku dhex rogay jawaan masas ah, taas oo dhalisay argagax iyo in ooda ay jabiyaan shaqaalihii bar kastameedkaas.

Ninkan ayaa la sheegay inuu ka cadhooday balan qaad hore xaruntaasi ugu samaysay oo masuuliyiina iyo hawl wadeenadu u fulin waayeen, ka dibna waxa uu ku hurgufay jawaan uu ka soo buuxsaday tobanaan mas oo argagax iyo cabsi galiyay shaqaalihii.

Subhash Mani Tripathi oo ka mid ah hawl wadeenada xarunta cashuuraha ee degaanka Haraya ee Gobolka Attar Pradesh oo u waramay wakaalada wararka ee “AFP” ayaa sheegay in shaqaalaha ka hawl galayay kastamkaasi argagaxeen markii ninkaasi toban mas iyo in ka badan ku soo dhex daadshay, waxaanu isagoo sidii wax u dhaceen ka waramaya uu sheegay in dadka qaar dhiman gaadheen oo naxdintii la tawafi gaadheen.

SomlegalAds

Mar la waydiiyay ninkan sababta uu masaska ugu soo weeraray iyo waxaa uu ka doonayay ayuu yidhi, “Ninkaasi waxa uu bari hore masuuliyiinta kastamka waydiistay in dhulka balaadhan ee xaruntaasi ku fadhido wax laga siiyo si uu meel ugu helo masaska iyo xamaaratooyinka uu xanaaneeyo masuuliyiintuna u carab laalaadiyeen, laakiin aanu jirin heshiis ama qoraal loogu ogolaaday.”

Ninka falkan ku kacay laftiisa oo AFP la xidhiidhay ayaa sheegay in uu hore balan qaad uga haystay xaruntan laakiin markii loo aamusay uu waayay wax kale oo uu sameeyo oo xal ah, sababtoo ah ma helayo meel uu ku xanaaneeyo masaska.

Sida wararku sheegayaan argagax iyo cabsi wayn oo soo waajahday shaqaalaha goobtaas mooyee may dhicin wax khasaare ah mana jiraan cid ka mid ah shaqaalaha oo masaskaasi ay dhibaato u gaysteen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.