WorldRemitAds
Haddii in badan oo warfidiyeenada dunidu, ku maahmaahi jireen, “Ey-baa Nin Qaniinay war maaha, laakiin nin baa Qaniinay Ey ayaa war ah.” Waxa si run ah u dhacday in nin Ey qaniino oo dheg ku gooyo qaniinyo.

Nin Qaniinay Ey
Inkastoo suxufiyiintu ujeedada ay halku dhegan ka lahaayeen, la xidhiidhin, xaaladan oo kale, balse ay uga dan lahaayeen in ay dhiiri galiyaan qiimaha warka iyo dhacdo ku cusub dadka dhexdoodu in ay tahay warka mucdiisa, waxa ay sheekadani ka dhacday dalka Maraykanka.
Layaabka Adduunka Nin Qaniinay EySida ay ku warantay shabakada wararka ee CNN- nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Maraykanka, kana baxsanayay booliska ayaa Ey boolisku u adeegsaday uu ku noqday, caqabad uu ka baxsan kari waayay, waxaanu markii weerarka Eygaasi meel adag la marayo uu ninkaasi go’aansaday inuu kaga horeeyo qaniinyada, ka dibna waxa uu iska lulay dhegta Eyga ilaa uu qayb ka mid ah goostay, oo Eygii qaylo kaga tolay.
Ninkan oo lagu magacaabo, Travis Glaspie,  da’diisuna tahay 22-jir, waxa isagoo ka waramaya sidii xaaladu u dhacday uu yidhi, “Markii aan booliska ka baxsaday, ee ay isoo gaadhi waayeen, waxa ay iga soo daba direen, Ey, ka dibna wuxuu igu noqday, dhibaato aan iska furfuri kari waayay, sidaa awgeed aniga oo aad u neceb qaniinyada Eyda, waligayna aanu I qaniin, waxaan go’aansaday inaan kaga horeeyo, markii uu isoo laacay ee inuu boqonta igu dhego uu ku dhow yahay.” Ayuu yidhin ninkani isaga oo ka hadlaya sidii xaaladu u dhacday.
Ninkan dhalinyarada ah oo ka mid ah dadka ku nool, “Wilmington” ee waqooyiga Carolina, oo wakhtiga waraysiga laga qaaday, ay ka muuqdeen, nabaradii uu u gaystay Eyga, booliska oo lagu magacaabo, “Max.” waxa uu intaa ku daray, “Waligay maan arag cabsida Eygaasi igu riday, wax kale oo aan sameeyaan ima furnayn, aan ka ahayn inaan dhegta iska laalaadiyo.” Ayuu yidhi.
Ninkan Eyga cunay ayaa sheegay in uu markii hore isku dayay, inuu meel kale ka qaniino, laakiin Eyga laftiisu soo laacay oo uu doonayay, inuu wajiga ama gacmaha ka qabsado, ka dibna dhegta oo ah meesha ugu dhawayd uu kaga dhegay.
Capt. David Balaguerno, oo ka mid ah, ciidamada roondada ah ee booliska Wilmington iyo hareeraheeda, oo ka mid ahaa, saraakiishi ku sugnaa goobtii falkaasi ka dhacay, ayaa “CNN” u sheegay in Eygaas dhaawac wayni soo gaadhay, oo qayb ka mid ah dhegtu go’day, aadna u dhiig baxay, sidaa daraadeed markii cusbitaal loola cararay, ay sababtay in la 18-qodob la tolo, xaaladiisuna dhibaataysan tahay.
Eyga iyo ninka qaniinay ayaa boolisku labadoodaba ula carareen cusbitaalo iyo goobo caafimaad oo goobta ka dhawaa, waxaana mid walba gaarkiisa looga dawaynayaa, nabaradii dagaalkaas qadhaadh ee dhex maray ka soo gaadhay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.