WorldRemitAds

Dhacdo ku biirtay arrimaha layaabka adduunka ayaa laga soo weriyay dalka Hindiya oo isaga laftiisu ka mid ah meelaha ugu layaabka badan dunida, taas oo la xidhiidha qoys meydka hooyadood ku qarsaday gurigooda si ay mushahar ugu helaan.

Sida wakaaladaha wararka dunida intooda badani ku warameen, booliska dalka Hindiya ayaa xoog ku galay, mid ka mid ah guryaha ku yaala tuulada Varanasi oo ku taala gobolka ugu dadka badan dalka Hindiya ee Uttar Pradesh.

SomlegalAds

Booliska ayaa gurigan weeraray, ka dib markii loo sheegay in qoyska hoygaa degani ay muddo dhawr bilood ah, Meydka hooyadood oo dhimatay ay ku qarsanayaan, taas oo dadka la jaarka ahi uga soo cawdeen kana ashkateeyeen booliska.

Booliska ayaa dhawr qof oo ka mid ah qoyska gurigaa ku noola gacanta ku dhigay oo xabsiga u taxaabay, isla markaana sheegay inay ku raad joogaan xubno kale oo qoyskaa ka mid ah oo baxsaday markii boolisku gurigooda galay.

Sida wararku sheegayaan xubnaha qoyskan boolisku weeraray ayaa meydka hooyadood oo dhawr bilood ka hor dhimatay, inta ay waxyaabo kimikal ah mariyeen ku qariyay guriga gudihiisa, waxaana sababta ay meydka hooyadood u aasi waayeen ama u gubi waayeen, lagu sheegay mid la xidhiidha arrimo dhaqaale.

Hooyadan dhimatay oo toddobaatan jir da’deedu ahayd ayaa hore uga shaqayn jirtay laamaha cashuuraha iyo kastamada dalka Hindiya, waxaanay hawl gab noqotay muddo hore, caruurtii ay ka tagtay iyo xubno ka tirsan qoyskeeda ayaa si ay u helaan lacagta hawl gabkeedi ayay go’aansadeen inaanay aasin.

Waxaanay ku talo jireen in marka faraha laga qaado ee ay lacagtaa la soo baxaan ka dib ay aasaan, booliska ayaa maydkii islaantaa ka soo qaaday guriga, maxkamadna ka dacweeyay xubnaha qoyskeeda ee ujeedada dhaqaale u qarsaday meydkeeda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.