WorldRemitAds

Tobanaan ka mid ah Ragga ku dhaqan mid ka mid ah gobolada dalka Hindiya, ayaa sameeyay dibad bax noociisu ku cusub yahay dunida, kaas oo ay haweenkooda ugu dirayaan baaq la xidhiidha doorashada ku soo foolka leh, gobolkooda iyo musharaxiinta ay doonayaan inay u codeeyaan.

Dibad baxayaashan reer Hindiya oo dhamaantood wada rag ah, ayaa socod ku maray jidadka, iyagoo sita boodhadh ay ku qoran yihiin, halku dhegyo ay hablaha gobolkooda ugu baaqayaan in ay u codeeyaan musharaxiinta qaarkood, si ay iyaguna ugu deeqaan naftooda oo ay u guursadaan.

Gobolka ay dhacdadani ka dhacday oo lagu magacaabo, Haryana, ayaa ka mid ah gobolada dalka Hindiya, ugu layaabka badan, gaar ahaan dhinaca tirada raga iyo haweenka oo faraq wayni u dhexeeyo, sida la sheegayna waxa gobolkaasi uu ka mid yahay, gobolada haweenku afar jeer laab ay ka badan yihiin, raga.

SomlegalAds

Sida warbixintii ugu danbaysay ee laga diyaariyay faraqa u dhexeeya haweenka iyo raga ku dhaqan gobolkan ayaa muujinaysa in sideedii dumar ahba hal nin ku soo hagaagayo, waana sababta keentay in ragu guurka dumarkooda shuruud uga dhigaan, inay codkooda siiyaan musharaxiinta ay danaynayaan.

Halku dhegyada ay siteen dibad baxayaashan raga ah ee reer Hindiya ayay ka mid ahaayeen, [Gabadh kasta oo Guur Doonaysa, waxaa Shuruud u ah inay codkeeda siiso, qofka ninka ay guur ka rejaynaysaa doonayo ama taageersan yahay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.