WorldRemitAds

Raysal-Wasaaraha dalka Kanada Justin Trudeau ayaa dareen adag kala kulmay sharabaado uu ku soo labistay, kuwaas oo si gaar ah warbaahintu u buun buunisay, ka dib markii ay layaab ku noqotay muuqaalka sharabaadka Raysal-Wasaaruhu xidhan yahay oo aad uga duwan caadiyan kuwa madaxda looga bartay.

Raysal-Wasaaraha dalka Kanada Justin Trudeau, oo ka mid ah madaxda sida wayn warbaahinta ugu xidhan, xidhiidhka fiicana la leh, ayaa dhawaan mar uu shir saxaafada uu kula hadlayay ku sugnaa, war fidiyeenadu isha la heleen sharabaadada uu xidhan yahay oo muuqaalkooda iyo qaabka loo tolay labaduba aad uga duwan yihiin kuwa caadiyan madaxdu xidhato.

SomlegalAds

Sharabaadka Raysal-Wasaaraha Kanada nusqaanta ku noqday ayaa sida la sheegay hadiyad loogu keenay, waxaana ku sawiran Shabeel nooca Saybeeriyaanka loo yaqaano ee Ruushka iyo qaybo ka mid ah qaarada Eeshiya ku nool, kaas oo laga dayrinayo inuu dhawaan dunida ka dabar go’o si wayna loo ilaaliyo.

Muuqaalka sharabaadada Raysal-Wasaare Justin Trudeau, ayaa marka qofku ka fog yahay loo malayn karaa inuu adimada xine loogu soo xardhay ama sawiro ku soo tuntay, hasa yeeshee marka loo dhawaado si fiican loo arki karo shabeelka ku samaysan iyo muuqaalkooda oo dhamaystiran.

Warfidiyeenadii kamaradaha la haleelay shabarabaadada Raysal-Wasaaraha ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay, waxase ay dhamaantood ka sinaayeen dareenkooda ku aadan ee sababta u noqday inay isha kamaradaha la boobaan.

Caadiyan madaxda iyo dadka masuuliyiinta ahi ma xidhaan dharka midabkoodu layaabka leeyahay ee faalooyinka badan laga bixin karo, waayo? Uma baahna sabab ay dhar midabyo leh sida dhalinyarada oo kale ugu soo labistaan.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah sawir qaadayaashii sharabaadada Raysal-Wasaaraha Kanada soo tabiyay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.