WorldRemitAds

Dhacdo tuugo tii ugu layaabka badnayd ayaa todobaadkii hore ka dhacday dalka Maraykanka, gaar ahaan magaalada New York ee xarunta ganacsiga u ah dalkaas, waxaanay dhacdadaasi ahayd, nin tuug hubaysan ah oo weerar ku qaaday shan bangi oo ka mid ah bangiyada kala duwan ee magaaladaas ku yaala.

Ninkan oo muddo sadex saacadood gudahood ah weerarkaas fuliyay, bangi kastana galayay isaga oo wajiga soo duubtay oo ku hubaysan qori nooca daran dooriga u dhaca ah, waxa uu natiijadii dhacay afar boqol iyo konton dollar lacag aan ka badnayn sida boolisku u sheegay wargeyska New York Times oo isagu baahiyay dhacdadan.

Tuugan oo aanay ilaa wali boolisku baahin magaciisa, daba gal lagu hayo awgeed, waxa ay ku qiyaaseen da’diisu inay ilaa sadex iyo sodon jir ahayd, waxaanu isagoo wajiga duuban u hanjabay shaqaalaha bangiyadii kala duwanaa ee uu dhacooda isku dayay, waxaanu hawl wadeenada farta ugu fiiqayay, qoraal uu laabtiisa ku soo dhejistay oo uu ku soo qoray, wixii lacag aad haysaan deg deg miiska u saar.

SomlegalAds

Laakiin hanaanka difaaca bangiyada ayay shaqaaluhu isku gadaameen ka dibna waxa uu sadex ka mid ah ka huleelay isagoo aan hal dollar ka helin, halka Baniga Washington Capital uu isaga konton dollar ka helay, waxa kale oo uu 399-Dollar ka helay bangiga Columbus, laakiin bangiyada City ban iyo Halts Ban Iyo Capital ayaanu midna hal dollar ka helin ciilna kala huleelay.

Booliska ayaa dadwaynaha ka codsaday inay ka caawiyaan qabashada ninkaas oo muuqaalada kamaradaha gaadhku ka qabteen muujinayaan, nin dhalinyaro ah oo wajiga soo duubtay wax hadal ahna aan laga maqal balse ruxaya oo ku hanjabaya qori uu sitay, kaas oo aan ilaa wali la hayn meel uu jaan iyo cidhib dhigay, ayna ugu yeedheen boolisku tuugi ugu nasiibka xumaa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.