WorldRemitAds
Haweenay ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska, kana soo jeeda xisbiga Shaqaalaha ee Mucaaridka ah, ayaa tuug aan ilaa weli la aqoonsanin uu ka xaday qado ugu jirtay, talaagada mudanayaasha baarlaanka Ingiriisku ku ritaan cuntadooda, waxaanay taasi sababtay in haweenaydaas mudanaha ahi fariin ku qorto albaabka talaagada.

Haweenaydan oo lagu magacaabo, Liz Kendall, da’deeduna tahay (41-Jir), ayaa sida ay ku warantay jariirada The Sun ee ka soo baxda dalka Britain, markii ay wayday qado ugu jirtay talaagada baarlamaanka Ingiriiska, xaaladeedu is badashay, ka dibna miciinsatay warqad iyo qalin, waxaanay albaabka talaagada ku qortay, Tuug ayaa la baxay qado iigu jirtay talaagada, arrintaas oo aanan u dul qaadan karin, laakiin waxaan saaxiibadayda kale ee Mudanayaasha baarlamaanka uga digayaa in wax danbe ay isaga ridaan talaagadan.
Xildhibaan iyo TuugJariirada ayaa sheegtay in wakhti yar ka dib markii ay haweenaydaas Mudanaha ah ee qadada laga xaday qoraalkaa ku dhejisay uu qof loo malaynayo inuu yahay tuugii xaday, inta uu warqadeedi dilaaciyay, hoosta kaga dhejiyay isla albaabka dhiniciisa kale, qoraal macnihiisu ahaa, “Anigaa xaday qaddadaadi, waanan xadi doonaa mar kale.”
Jariirada oo ka waramaysa nooca qadada laga xaday haweenaydan Mudanaha ah ayaa sheegtay, in ay ahayd qado ka kooban, Baasto shiilan iyo kaluun nooca Tuunaha loo yaqaano ah, kaas oo sidii dhaqanka u ahayd mudanayaasha ay haweenaydani ku ridatay talaagada baarlamaanka oo aamin ahaan jirtay.
Haweenaydan Mudanaha ka ah baarlamaanka Ingiriiska ee qadada laga xaday ayaa warbaahinta u sheegtay in laga bilaabo, xatooyadaa ku dhacday hadhimadeedi aanay dib danbe qado u soo qaadan doonin oo quraacda uun cunto culus soo qaadan doonto si ay ilaa casarka marka ay shaqada ka rawaxdo aanay u gaajoon.
Liz Kendall, oo ka mid ah gudi hoosaadka golaha baarlamaanka Ingiriiska ee Corby loogu yeedho, waxa ay qadada laga xaday ka mashquulisay sida ay sheegtay, wakhtigeedi nusa saacaha ama biririfta sida qofba u yaqaano, oo sida ay xustay haddii ay ku talo gali lahayd in qadadii laga xaday ay ka soo gaadhsiin kari lahayd qado kale in ay soo cunto, laakiin intii ay raadinta iyo sida wax u dhaceen ku hawlanayd uu wakhtigii ka dhacay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.