WorldRemitAds

Washington, USA, June 9, 2018 (Saxafi) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn ku soo rogay lix ruux oo masuul ka ah hawlgallada dadka lagu tahriibiyo ee Liibiya.

Waa markii koobaad ee dad wax tahriibiya lagu daro liiska cunaqabataynnada caalamiga ah. Dadka liiskaas lagu daray waxaa ka mid ah afar Liibiyaan ah oo uu ka mid yahay nin madax ka ah qayb ka mid ah ciidammada ilaalada xeebaha iyo labo ruux oo dalka Eritrea u dhashay.

SomlegalAds

Dadka wax tahriibiya ayaa ka faa’iidaystay ammaan xumida Liibiya iyaga oo boqolaal kun oo ruux badda mariyay si ay Yurub u geeyaan.

Qaar badan oo ka mid ah tahriibeyaasha ayaa ku go’doonsan xarummo si ku meelgaadh ah dadka loogu hayo, iyaga oo waliba jidh dil kala kulma kuwa wax tahriibiya.

Cunaqabtaynta oo ka kooban in safarrada caalamka laga xayiro iyo in lacagtooda la xannibo ayaa ka dhalatay qorshe ay soo gudbisay Netherlands taas oo caalamkuna ku taageeray.

Qorshahan ayaa markii hore la soo dhigay kawdii bishii May, balse Ruushka ayaa is hortaagay isaga oo dalbaday in uu dib u eego caddaymaha loo cuskanayo lixdaas nin.

Cunaqabatayntan aan la filaynin ayaa timid ka dib markii aad looga cadhooday warbixin uu dabayaaqadii sannadkii hore sii daayay telefeshinka CNN taas oo muujinaysa rag tahriibryaal ah oo adoon ahaan loogu xaraashayo Liibiya.

 

 

 

Lix lix Lix 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.