WorldRemitAds
Shirkada ugu qadiimisan  uguna caansan tagaasida ka dhex adeegta magaalada London ee caasimadda Britain ayaa shaaca ka qaaday, in macaamiisheeda ay bilaash ku siin doonto adeega internet-ka aan xadhiga lahayn ee Wi-Fi kaas oo ka dhigaya  markii ugu horaysay ee macaamiishu  helaan adeeg noocaas oo kale ah, isla markaana bilaa lacag ah.

Shirkada taagaasida ugu magaca dheer London ayaa sida ay ku warantay jariirada “The Sun” waxa ay heshiis talaabadan la xidhiidha ay la  gashay, shirkada ugu wayn ee bixisa adeega isgaadhsiinta dalka Ingiriiska, taas oo ay isla afgarteen, in macaamiisha tagaasida shirkadaa ay siiso adeeg lacag la’aan ah oo internet, ah kaas oo shardiga kaliya ee ku xidhani yahay, in macmiilku daawado xayaysiiska  shirkaaas oo qadar kooban soconaya, ka dibna ay heli doonaan internet- xawaare sareeya ku socda oo bilaash ah.
Qof kasta oo raaca tagaasida shirkadani waxa uu heli doonaa shan iyo toban daqiiqo oo internet aan alcag laga qaadanayn, kaas oo u furmi doona marka uu qadar kooban daawado xayaysiisyada shirkada siinaysa adeegan lacag la’aanta ah.
Sida jariiradu sheegtay ninka aasaasay shirkada ugu wayn internet-ka ee dalka Ingiriiska Richer Krait ayaa shaaca ka qaaday in shirkadoodu shan boqol oo tagsi ku bilaabayso adeega Wi-Fi ee bilaashka ah, bisha March ee inagu soo foolka leh, laakiin qorshahoodu yahay in sanadka soo socda ay ka wada simaan oo wada gaadhsiin doonaan, tagaasida midabka madow leh ee magaalada London oo tiradoodu kor u dhaafayso afar iyo labaatan kun oo tagsi sida qorshuhu yahay.
Shirkadan ayaa sidoo kale diyaarisay shaashado waaweyn oo ay ku dul xidhayso taagaasida midabka madow leh ee magaalada London, kuwaas oo wixii xayaysiisyo ah ee shirkadaasi baahinayso xambaari doono, jid kasta oo London ka mid ahna la mari doona.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.