WorldRemitAds
Qaar badan oo ka mid ah Dawladaha Dalalka Yurub ayaa lagu eedeeyay inay Muslimiinta qaxootiga ku galay dalalkooda, ku khasbaan inay diinta Kiristaanka qaataan, waxaana eedahaasi ay shaaca ka qaadeen in dawladahaasi shuruudaha sharciga ay ku siinayaan qaxootiga Muslimiinta ah ay ku dareen inuu qofku qaato diinta Masiixiga.

Warbaahinta dalalka Jarmalka iyo Spain ayaa qoray xogo ay ka heleen, nidaamka bixinta aqoonsiga ama dhalashada ee dalalkaas, kaas oo sharciyadiisa ay ku jiraan ama lagu saleeyo, heshiis ay hore u wada galeen dawlada dalkaas iyo kaniisada ugu wayn ee arrimaha diinta maamusha.
Heshiiskan ayaa dhigaya in qof kasta oo la siinayo dhalashada Jarmalka ama Spain shardi looga dhigo inuu noqdo qof kiristaan ah, gaar ahaan waxa si gaar ah, shuruudahan loogu dhaqayaa dadka Muslimka ah oo kaliya, balse ma khuseeyo dadka aaminsan diimaha kale ee Buudhisamka, Hinduuga iyo kuwa bilaa diinta ah.
Sababta heshiiskan Kaniisada iyo dawlada ayaa la xidhiidha cabsi ay dadka Spanish-ka ahi ka qabaan, Muslimiinta oo lix boqol oo sanadood ka talinayay dalkaas, hasa yeeshee waxa ay noqotay fadeexad wayn oo soo waajahday, siyaasada dalkaas oo aan ku salaysnayn diin sida ay ku doodaan dadka iyo dawlada dalkaasi.
Wasiirada cadaalada iyo arrimaha dibada ee dalka Spain oo ka hadlay xogtan ayaa sheegay, in aanay waxba ka jirin, shuruudahaas, dawlada dalkaasina aanay diin iyo wax qofku aaminsan yahay aanay ku xidhin, ee loo eego xaalada aadaminimo.
Laakiin waxa taas beeniyay xogaha warbaahintu soo bandhigtay ayaa waxa ku jiray, dad qariyay magacyadooda, oo sheegay ama cadeeyay in shuruudaas lagu xidhay, sida nin sheegay in uu isagu ogolaaday, oo uu dhalashada ku qaatay magac kiristaan, laakiin uu diintiisa iska haystay oo aanay niyad ka ahayn, kana bixin Islaamka, balse uu cadayn u yahay in shuruudaas lagu xidhay. 

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.