WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, October 29, 2015 (Saxafi) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, kana mid ah xubnaha u tartamaya in loo doorto murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ayaa sixid ku sameeyay hadal dhawaan ka soo yeedhay oo uu sheegay in si khaldan loo fahmay.

SamaaleWaxaanu ku dheeraaday inaanu ahayn shaqsi looga baqo Nabadgalyada iyo Xasiloonada Dalka, waxa uu sheegay inaanu ahayn Askari dalkani dagaal galin kara oo Umadda Looga cabsado, waxa uu sidoo kale Shacabka Somaliland iyo Taageerayaashiiba u diray fariin uu hadalkaasi turjumaad dheer uu kaga bixiyay.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale oo shir jaraa’id oo uu arintaasi kaga hadlay ku qabtay Shalay Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxaan Jeclaystay Inaan Dhawr Kalmadood Oo Kooban Ka Idhaahdo hadalkaygii ugu dambeeyay ee aan maalin dhawayd siiyay Warbaahinta, Hadal dhinacyo badan taabanayay ayuu ahaa, Waayaha Xisbiga Kulmiye ka waramayay, xiligii xisbiga la Aasaasay, dadkii aasaasay oo aan ka mid ahaa, Duruufaha Kala Duwan ee uu Xisbigu soo maray iyo maanta halka uu taagan yahay, Tabashooyin ayaa Xaqiiqatan ku jiray aan runtii dareemayay in dad badani ay tabanayaan, oo Xisbiga ka mid ahaa oo Aasaasayaashii ka mid ahaa, oo Xukuumadda ka mid ahaa, hadalkaasi aan idhi waxaa laga soo dhex saaray qayb ka mid ah oo dadku u fasireen, hadal aad si u tidhi ayaa macnihiisa laga yaabaa in si kale loo fasiro, waliba dadka aad siyaasada ku kala duwan tihiin, sida uu markaa doonayo ayuu u qaadayaa oo sidaasi ayuu u jeeday ayaa la odhanayaa, waxaa ka mid ahaa Hadalkaasi, Haddii Shaanidii ku cabsi galisay tu ka wayn ayaa iman doonta, Haddii Xorriyadda Iyo Dimuqraadiyada la ilaalin waayo”.

SomlegalAds

Waxa uu sheegay inaanu waligii hub qaadan, isagoo intaa ku daray inuu yahay shaqsi diinta wax ka yaqaan oo aan dalka looga boqi Karin, waxaan ka cudur daartay inaanu odhan hub ayaan ridayaa“Maan sheegin inaan anigu isticmaalayo Hub, Taangiyo ama dalka dagaal galinayo, Xashaa lilaah, Anigu nin diinta wax ka yaqaan ayaan ahay, Illaahayna waxaan ka baryayaa diintaasi aan wax ka aqoono dadka ku dhaqma inaan ka mid noqdo, Umadda Somaliland Magacweyn iyo maamuus weyn ayaan ku dhex leeyahay, oo iyagu waliba i huwiyeen, oo inaan ilaaliyo u baahan, oo waxaan ka mid ahaa dadkii ay doorteen ee ay codka siiyeen Doorashadii Golaha Wakiilada ee 2005, Xubnihii Codadka ugu badan Gobolka Maroodi jeex ka helay ayaan ka mid ahaa, waan uga mahadnaqay umadayda, Mar kalena waan uga mahadnaqayaa, waaanan runtii ku bogaadinayaa, gudoomiye ku xigeenkii Golaha wakiilada ayaan mudo ahaa, dabadeedtana xilkii kale ee Madaxweynuhu ii igmaday ee Wasaarada Maaliyadda ayaan mudo hayay, isagana si sharaf iyo karaame leh ayaan uga tagay”.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Umadda Somaliland si fiican u taqaan dhaqankiisa iyo inuu yahay shaqsi aan ku kici Karin fawdo iyo inuu dalka khal khal galiyo“ Intaa iyo intii ka horaysay iyo intii Dambaysayba Umada Somaliland waxaan qabaa aqoon in igu filan inay ii leedahay, inaanan ahayn shaqsi dagaal, Inaanan ahayn Askari, inaanan ahayn qof umadan looga baqi karo nabadgalyadeeda iyo xasiloonideeda. Hadalkaasi waxaa loo fasiray inaan dagaalamayo, xaasha eh, Anigu Askari ma ihi, Hub mahaysto, Waligayna Hub maan qaadan, intii aan xilka dawlada hayay, xitaa haddii ay dawladu Booli gaadh I siiso imay raaci jirin Boodhi gaadhku, Godob dalkani kuma lihi umana baahni cid shacbigayga iyo umadayda iga ilaalisa, Kalsooni ayaan xaqiiqatan ku qabaa, Asxaabtayda, Umadayda, Taageerayaashayda siyaasada, Qarankayga iyo Umadda reer Somaliland, waxaan ka raaligalinayaa sida Qaldan ee loo tarjumay ama loo fasiray hadalkaasi, waxaan u arkaa in dad ujeedo Gurucan lihi si qaldan ay u turjumeen”.

Wasiirkii hore ee Maaliyadu waxa uu ka hadlay kalmadii hadalkiisii hor eku jirtay ee uu wax kaga sheegay Ciidanka RRU-da waxaanu yidhi“Waxaan ka hadlay RRU oo ciidanka gaarka ah ee ay dawladu leedahay ah, Ixtiraam weyn ayaan RRU-da u hayaa runtii, Xukuumaddaan ka mid ahaa, Dalka way ilaaliyaan wanaag ayay u qabtaan laakiin mararka qaarkood ayaa si qaldan loo adeegsan karaa, markaan ka hadlayay RRU-da sababta aan u soo qaatay waxay ahayd, waxaad ogaydeen 17-kii Bishan Tobnaad 2015-ka, oo maalin sabti ah ahayd in Ciidanka RRU-da loo adeegsaday Munaasibad Qado Sharaf ah oo aanu ku samaynay Huteelka Maansoor saddexdayadii Murashax, in Qadadaasi la joojiyay oo RRU loo adeegsaday, Buuqii ka dhashay ayaad ogaydeen, in markii dambe Huteelka Guuleed aan u soo wareejinay ayaad ogaydeen, oo Guuleedna la isku dayay in isla RRU-dii lagu joojiyo ayaad ogaydeen oo aad Goob joog u ahaydeen, Munaasibadaasi Qado Sharafta ahayd waxaa joogay Madaxdii Qaranka, waxay ahayd Qado ay dawladu ku dhamayd ama inteeda badani ay joogtay, waxaa joogay Labada Gudoomiye ku xigeen ee Wakiilada, Waxaa joogay laba Gudoomiye ku xigeen oo Kulmiye ka tirsan, waxaa joogay Saddex Musharax Madaxweyne oo Xisbiga Kulmiye ah, waxa joogay ku dhawaad saddex Musharax Madaxweyne ku xigeen, waxaa joogay Xubin u sharaxnayd Gudoomiyaha Golaha dhexe ee Kulmiye, waxaa joogay Aqlabiyada Golaha Dhexe iyo Gudida fulinta Kulmiye ”.

Waxa uu Cabdicasiis Samaale ku dooday inay qalad ahayd maalintaasi in RRU-da lagaliyo Goob ay Xukuumadda hal doorkeedii joogay, isagoo intaa ku daray inay u arkayeen inay dad badani u arkeen maalintaasi inay Xukuumaddu is weerartay, oo ay ciidan isku adeegsatay, sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo markii hore muujiyay inuu dhex u ahaanayo Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye balse markii dambe uu arinta leexiyay oo kulan uu wasiirada ay isku haybta yihiin oo uu kula qaatay Qasriga Madaxtooyada uu u sheegay inuu dhisayo mid ka mid ah musharaxiinta Kulmiye ku loolamaysa, waxa uu sheegay in cidii beenisay kulankaasi ay been sheegayso oo aan laga been sheegin ee ay ka soo baxday xogtana ay u keeneen Qaar ka mid ah xubnihii kulankaasi fadhiyay.

Musharax Samaale ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo ay uga haboonayd inuu hore runta ugu sheego inuu ukala eexanayo Musharaxiinta Kulmiye balse imika aanay habaanayn inuu xagal daac sameeyo, waxa uu ku dooday Samaale inuu mudo ku siman Shan sanadood uu ku hawlanaa Musharaxnimada Kulmiye oo maal iyo muruqba kaga baxay taasina uu u sameeyay kalsooni uu ka qabay Madaxweyne Siilaanyo balse imika ay runtu timid oo uu Madaxweynuhu maray dariiq aan u haboonayn Mustaqbalkiisa iyo Jiritaanka Xisbiga Kulmiye, waxaanu sheegay inuu wali u taagan yahay Musharaxnimada Kulmiye.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.