WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, March 3, 2016, (Saxafi) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo aan khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar been abuur ah oo la baahiyay oo ah inay jiraan jid gooyo loo galay oo lagu weeraray isagoo jooga deegaano hoos yimaada gobolka Sanaag.

Waxaana uu sidoo kalena sheegay Axmed Yusuuf Yaasiin inuu hada ku sugan yahay magaalada Ceerigaabo Waxaana uu yidhi. “Waxba kama jiraan weeye wararkaa sheegaya in jid gooyo lay sameeyey oo laygu weeraray deegaano hoos yimaada gobolka Sanaag, shacabka Somaliland ayaa been loo sheegayaa aniguna hada waxaan joogaa Ceerigaabo waanan joogayaa waayo dadku waa dadkaygii dalkuna waa dalkaygii”Sidaas yuu yidhi Mudane Axmed Yusuf Yaasiin.
Sido kalena Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay inay markaste ilaashadaan nabadgaliyadooda iyo xasiloonida dalkooda Waxaana uu yidhi.
“Dadkayga waxaan ugu baaqayaa inay meelkasta oo ay joogaan ilaashadaan nabadgaliyadooda iyo xasiloonidooda waayo nabad wax dhaantaa ma jirto, markaa waxaan leeyahay Somaliland waxa lagu yaaqaanay nabad ee ilaashada oo cid kaste oo khal khal kuwada dalka halaga hor yimaado”Sidaas ayu yidhi Mudane Axmed Yusuf Yaasin.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.