WorldRemitAds
Dadweynaha dalka, siyaasiyiintiisa iyo dawladdiisa ayaa waxay beryhanba mashquul ku yihiin mashaariicda diiwaangelinta iyo qaadashada kaadhadhka aqoonsiga Somaliland, waxayna badi mashaariicdani indhaha dadka ka jeediyeen waxqabadkii dawladda, iyo dhaliilaheediiba.

In kastoo labadan hawlood kala miisaan weynyihiin, qaadashadii kaadhka aqoonsigana ay meesha ka saartay hawshan diiwaangelinta codbixiyayaasha dalka ee haatan ka socota Gobolka Awdal, horena loogu soo dhammaytiray Togdheer ayaa marka la eego sida mashruucani u saameeyey qoys kasta, beel kasta, gobol kasta iyo siyaasi kastaba, dibna loo eego mashruuc diiwaangelineed oo la mid ah kuwa haatan dawladii Rayaale ama UDUB-na dalka ka qaban qaabisay ayaa dad badani shaki iyo walaac ka muujinayaan in qaadashada kaadhadhka dawladda Siilaanyo ku mashquulisay aakhirataanka kaadhadhkaasi u khaatumaystaan sidii kaadhadhkii hore isla markaana aan la haynin wax damaanad ah oo muujin kara kuwa haatan la qaadanayaa wax ay kaga duwanaan doonaan kuwii hore.
Dhaqaalaha xoogga leh, abaabulka dadweynaha iyo shaqaalaha laxaadka leh ee hawlahani uu u kireystay guddiga Doorashooyinka qaranku ayaa dhinaca kale cid kastaa rumaysan tahay in kaadhadhka diiwaan gelintu ka awood badan-yihiin kuwii aqoonsiga ee sannadkii hore wasaaradda guduhu waday, qofna aanu codkiisa bixin haddii aanu haysan kaadhka diiwaangelinta inkastoo uu haysto kaadhka aqoonsiga muwaadinnimadiisa, sidaa darateedna durba ay muuqato in kaadhkii aqoonsigu qiimo beelay, doorashada ka dibna u qiimo beeli doono kaadhka diiwaangelinta codbixiyuhu, ujeedada laga leeyahayna tahay uun in cod lagu badsado balse aanu ahayn kaadhka dhaxalgal ah oo la isku tuuro doorashada kaddib, dhaqaalaha xoogga leh ee ku baxayna looga baahnaa in dadweynaha abaaruhu saameeyeen loogu gurmado.
Marka la eego shuruucda dalalka dunida ee khuseeya muwaadiniinteeda ayaa waxa inta badan looga dambeeya waasaradaha daakhiliga ee dawladahaasi ka jira inta badanna qiimo u yeela kaadhkooda, haddii aanu haysan qofkaasina ka dhiga ajbeni ama qaxooti.
Qaadashadii kaadhka aqoonisga muwaadinka ee wasaaradda guduhu hagaysay ayaan dhinaca kale badi dadweynaha dalku qaadanin, kuwa foomamkii buuxiyeyna aan loo soo saarin kaadhkii gaar ahaan Gobolka Awdal, hawshaasina ku dhammaatay si qabyo ah.
Masuuliyiinta wasaaradda daakhiliga oo waagaasi ku dhaaranaysay in ciddii kaadhkaasi qaadan weydaa aanay ahayn muwaadin dalkana xaq ku yeelan doonin, ayaan haatan wax muhiimad ah siinin ama aan soo hadalqaadin qiimaha kaadhkaasi mustaqbalka yeelan doono, isla markaana kaadhka diiwaangelinta ee komishanka doorashooyinku hagayaa kala qiimo badanyahay kaadhkii wasaaradda gudaha, sidaa darteedna aad mooddo in qaadashada kaadhadhkan dadka lagu mashquuliyey aan la hubin inay ka tarjumi doonaan tirakoobka dalka iyo muwaadinnimada hadii aanay helin wadiiqo kale oo lagu meel-mariyo, aakhirataankana laga yaabo in la iska tuuro inta la gaadhayo diiwaangelin kale iyo doorashooyinka kale.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.