WorldRemitAds

Maal qabeen dhalashadiisu Maraykan tahay oo lagu magacaabo, Forrest Fenn ayaa hanti badan oo uu lahaa, ku aasay buuralayda Rockies lagu magacaabo oo ah sil silad buureed ku taala waqooyiga qaarada Ameerika, waxaanu ninkani qof kasta oo doonaya inuu hantidaa helo u dejiyay, nidaam sida hal xidhaalaha oo kale u baahan in qofku fahmo ka dibna suura gal ay tahay inuu heli karo.

SomlegalAds

Ninkan ayaa sheegay in hanti gaadhaysa sadex milyan oo dollar, dahab aad u tiro badan iyo aataar qadiim ah oo lacag badan noqonaysa uu ku aasay buuralayda Rockies, qof kasta oo doonaya inuu hantidaa helo ay suura gal u tahay haddii uu ku guulaysto imtixaanka shardiga u ah inuu heli karo qasnadaa iyo halka lagu aasay.

Sida uu ku waramay wargeyska Business Insider, Forrest Fenn ayaa qof kasta oo danaynaya inuu maalkaa helo, ku xidhay hal xidhaale haddii uu qofku fahmo u fududaynaya inuu hantidaa gaadho oo uu maalkaa helo, waxaanu sheegay in qofka ka baxa jirabaadaa maalkaa buurta ku aasani hortiisa yaalo oo uu si fudud u heli karo.

Hal xidhaalayaasha uu ninkan maal qabeenka ahi furaha uga dhigay, ee hantidaa uu aasay lagu heli karo ayaa kala ah, buug uu isaga laftiisu qoray oo haddii qofku akhriyo oo uu fahmo ay u badan tahay inuu heli karo maalkaa.

Waxa kale oo halxidhaalayaasha maalkan buurta lagu aasay lagu heli karo ka mid ah, qasiido ama buraan bur qofkii akhriya ee fahma macnaha uu xambaarsan yahay iyo sirta ku duugan uu helayo, furaha dhabbta ah ee tilmaanta ka siinaya meesha qasnadaa maalka, dahabka iyo aatarta qaaliga ahi ku aasan tahay.

Sida Business Insider ku warantay ilaa shan iyo sodon kun oo qof ayaa ku guul daraystay inay helaan, meesha uu ninkani maalkiisa ku aasay, kuwaas oo baadhitaano badan oo ay galeen ku guul daraystay oo aan ilaa wali helin.

Waxa kale oo suura gal ah in dad intaa ka badani isku dayaan oo ay ku hawlan yihiin baadi doonka hantidaa aadka u badan, oo kaliya la wada garanayo buuralayda ay ku aasan tahay, balse aanu jirin qof si cad u garan kara, goobta uu ninkani ku aasay, waxaana laga yaaba in haddii sida uu sheegay ay si fiican u akhristaan buuga uu qoray ama qasiidada uu sheegay inay hal xidhaalaha u tahay, la heli karo oo lagu guulaysan karo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.