WorldRemitAds

Alla ha u naxariistee, Marxuum Axmed Xassan Cawke ayaa lagu aasay Magaalada Wajaalle, ka dib markii uu xalay niskii danbe ku geeriyooday magaaladda Jigjiga.

Marxuumka waxaa la isla qiray inuu ahaa Hal abuur aan laga xiiso jabin, Weriye awood badan dhinac kasta oo uu hoggaaminayana aan cidi ku gaadhin cod iyo tabinba, Sheeko xariir iyo shaksi wanaagsan oo aan laga cabane loo cowdo.

Axmed Xasan Cawke, Alle ha u naxariistoFaallo dheer gali maayo, waxaanse si kooban u tilmaami, maalin ka mid ah maalmo kooban oo uu nagu soo booqday Wargeyska Saxafi cashar uu sheekooyin badan oo uu noo mariyay ku jiray.

SomlegalAds

Marxuumku waxaa uu su’aal naga weydiiyay beeraha iyo qalabka qodaalka galbeedka isaga oo kaftamaya waxaa aanu ka naqaano, dabadeed, waa la is eegay oo dib la isu weydiiyay horta maxay ahaayeen labadda Dibi ee la isku xidho magacii loogu yeedhi jiray. Marxuumku inta uu qoslay ayuu si kaftan ku jiro u yidhi meel hakaga dhicina Haa, Miyaydaan maqal, Meerar, Qindi, Qar, Minaaq, Kootar, Nugi, Jiqirti, Irfi, Indhal, Harqood, Marashi, Digir, Kooshin, Faag, Qooddi, waa qalabkii qodaalka iyo labadii Dibidii waxaa magacyaddan lihi garro’oo.

Rag kullankaas maalintaas joogayba waxaan hubaa in aan in badan oo ka mid ahi maqal-ba qalabkan uu tiriyay badankooda, haddana cashar kale ayuu noo saaray oo xiiso leh maalmaha xusuusta leh iyo casharaduna waa badnaayeene.

Bahda Saxafi Media Network, waxay Ilaahay uga baryaysaa inuu u naxariisto Marxuumka, Jannatul-Fardowsana geeyo, Qoyskii iyo guud ahaan ummadda gobolka Geeska Afrikana samir iyo iimaan haka siiyo.

Mustafe Sh, Cumar,

Tifaftiraha Wargeyska Maalinle laha ah ee Saxafi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.