WorldRemitAds

Waxa Jimcihii shalay [March 16, 2018) meelo badan oo dunida ka mid ah, laga xusay maalinta Hurdada aduunka, taas oo qaramada midoobay u qoondaysay in Jimcaha sadexaad ee bisha March sanad walba si balaadhan looga wada xuso dhamaan dunida oo dhan.

Ujeedada xuska maalinta hurdada aduunka ayaa ah sidii dadka loogu wacyi gelin lahaa, faa’iidada caafimaad ee hurdada iyo sidii looga fogaan lahaa waxyabaaha dhibaatada ku ah hurdada ee qofka ka fogaynaya inuu si raaxo leh u seexdo.

Xuska sanadkan ee maalinta hurdada aduunka ayaa loo qaatay halku dhega, “Ku soo biir dhawrista hurdada aduunka, oo ilaali fir fircoonidaada jidheed iyo caafimaad.”

SomlegalAds

Hurdada oo ah raaxada ugu wayn ee Rabi (SW) aadamiga ku manaystay, waxay qayb wayn ka tahay caafimaadka iyo isku dheeli tirnaanta nolosha aadamiga, taas oo la’aanteed aanu qofna noolaan Karin, haddii ay ku yaraatana uu halis u yahay xanuuno ku dhaca.

Khubarada caafimaadka ee aduunka oo si wayn uga qayb qaatay, xuska maalinta hurdada aduunka ee sanadkan, ayaa wacyi gelin badan oo la xidhiidha ahmiyada hurdadu leedahay iyo waxyaabaha dhibaatada ku noqon kara ee looga baahan yahay in laga gaashaanto u soo jeediyay dhamaan aadamiga.

Waxaana sanadkan si gaar ah ahmiyada loo saaray, dhibaatada ay leedahay in qofku marar kala duwan habeenkii baraarugo, oo marba ka kaco hurdada ka hor wakhtiga uu toosayo ee u qorshaysan, xaaladaas oo horseeda xanuunada halista ah ee dadka ku dhaca.

world sleep day Tusaale ahaan in qofku heli waayo hurdo culus oo ugu yaraan afar saacadood xidhiidh ah, waxay sababtaa dhibaato caafimaad iyo caajis badan oo aanu hawlihiisi shaqo si fiican u gudan kari waayo.

Waxyabaha ay khubarada caafimaadka ee aduunku ku talinayaan waxa ka mid ah, inaanu qofku hurdada ka hor cabitaan badan qaadan, waayo? Waxay taasi keenaysaa inuu marar kala duwan musqusha u baahdo kana tooso hurdada.

Waxa kale oo ay ku talinayaan inaan gogosha dusheeda lagu isticmaalin telefoonada iyo aaladaha casriga ah, oo haddii qofku furaashka dushiisa ku dul daawado ama ku furfuro dhibaato ku noqon kara hurdadiisi iyo inuu saacado badani kaga lumaan, marka ay is biirsadaana keeni kara inuu saacado badan oo hurdadiisa ka mid ah waayo.

2018 Wararka, Maqaaladda, Codadka Iyo Muuqaalada Maalinta Hurdada Adduunka Lagu Xusay Ee Sannadkan:

Si aad Macluumaad Dheeraad ah u raadiso guji halkan hoose oo booqo Mareegta Maalinta Hurdada adduunka ee halkan hoose 

world sleep day

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.