WorldRemitAds

Garoowe, Somalia, August 11, 2018 (Saxafi) – Wada-hadallo lugu raadinnayay in lugu xalliyo xiisada ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ee u dhaxeysa Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland ee Somalia ayaan illaa hadda wax natiijo ah laga gaadhin. Iyaddoo maamul goboleedka Puntland ee Somalia diidan yahay in xal rasmi ah la gaadho.

Ku-xigeenka Maamyul-goboleedka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camay) ayaa cadeeyay in aanay aqbalin nabad-gelyadda lagu baaqayo.

SomlegalAds

“IGAD iyo UNSOM waa shaqadooda inay yimaadaan, hadlaan, baxaan, diyaarad qaataan, soo noqdaan…”

Cabdixakiim Camey ku xigeenka Maamul-Goboleedka Puntland


Xafiiska urur-gobolleedka Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) ee Soomaaliya iyo midka Qaramada Midoobay ee UNSOM ayaa isku-dayay in wada-hadal xiisada lugu xalliyo, balse wareysi uu bixiyay madaxweyne ku-xigeenka maamul-goboleedka Puntland wuxuu ku sheegay inaanay jirin xal wada-hadal oo arrinta laga gaadhay. “Dabeecadayada Puntland ma aha marnaba inan nabad diidno.. laakiin nabadgalyo qoor-qabasho ah dadkan asal uma laha dhaqana uma laha wax hore u dhaceyna ma aha, nabad dhab ah oo qof waliba dalkiisa iyo dadkiisa uu leeyahay ayaan annagu u qaadan karnaa.” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo inta ku daray “IGAD iyo UNSOM waa shaqadooda inay yimaadaan, hadlaan, baxaan, diyaarad qaataan, soo noqdaan, waa shirkii labaad .. idin ma odhanayo waa fashil, laakiin waxaan kuu hubaa wax badan oo la soo kordhiyay inaanay jirin.”

Hadalka Camey wuxuu ku soo beegmay waqti beesha caalamku doonayso inay xal waara u hesho dagaal deegaanka Tukaraq ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dalka Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland ee Somalia, waxaana saacad walba taagan wal wal laga qabo inuu halkaas dagaal ka dhaco. Iyaddoo dawladda Somaliland hore u cadaysay inay aqbashay xabad-joojinta iyo qodobo ay soo qadintay beesha caalamku oo xal loogu raadinayo xiisadda colaadeed ee Tukaraq.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.