WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, September 8, 2016 (Saxafi) – Soomaaliya iyo maamuladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay isku raacay in Qaadka loo joojiyo si Somaliland aanay u helin ballanqaadkii gudoomiyaha gobolka Miirooga Kenya u qaaday Somaliland inay aqoonsi siin doonto haddii loo ogolaaddo in jaadkeeddu Somaliland yimaaddo.

Tan iyo intii guddoomiyaha gobolka Mirooga Kenya oo ah siyaasi aad looga ixtiraamo dalkaasi uu booqashadda ku yimid Hargeysa, isla markaana wada hadalo la gallay madaxda Somaliland, waxa Soomaaliya jiif iyo joogba u diiday imaanshaha uu yimid Hargeysa gudoomiyaha gobolka Mirooga iyo hadal ka soo yeedhay oo uu ku sheegay in Somaliland ay aqoonsi u qalanto oo ay la doonayaan, Xidhiidh cusub oo ganacsiga qaadka ahna la furayaan, waxaanay dawladda Somalia qortay dhawr jeer qoraalo ay Kenya ay ka codsanayaan In wax laga qabto ninkan siyaasiga ah ee gudoomiyaha ka ah gobolka Miirooga oo ay ku doodeen inuu ku xadgudbay midnimadda Soomaaliya, isla markaana rabo in uu kala gooyo Soomaaliya, iyagoo ula jeedda in uu aqoonsi uu la rabo Somaliland.

Arrintan ayaa keentay in xukuumada Soomaaliya joojiso gabi ahaanba qaadkii uga iman jiray Kenya, iyagoo ciqaab uga dhigaya Kenya, si  siyaasigaasi uga noqdo dalabkii uu dawladiisa ku weydiiyay inay aqoonsi siiso Somaliland.

SomlegalAds

In kastoo maamul goboleedka Puntland oo caan ku ahaa inuu mar walba ka soo horjeesto go’aan kasta oo Soomaaliya qaado ayaa iyagu doraad diiday in deegaankooda uu ka fulo go’aankaasi qaadka lagu  joojinayo, hase yeeshee, madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa sheegay in maamul waliba u madax banaan yahay go’aankaasi, isla markaana aanay waxba ka jirin go’aankaasi ka soo baxay dawladda Soomaliya, hase yeeshee markii loo sheegay sababta loo jooinayaa inay tahay sidii aan aqoonsi loo siin Somaliland, ayuu markiiba ku taageeray, waxaanay noqotay arrin siyaasiyiinta Soomaaliya ka midaysan yihiin in aan Somaliland aqoonsi helin.

Inkastoo la qarinayey in la shaaciyo sababta dhabta ah ee loo joojinayo Qaadka Kenya ka yimaadda, haseyeeshee safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo Wargeyska Daily Naition siiyay wareysi, ayaa sheegay in booqashadii Peter Munya uu Hargeysa ku tahay bishii July ee sannadkan ay sabab u tahay in dowladda Somalia ay hakiso ganacsigii Qaadka ee uga iman jiray Kenya. “Waxaa jira inay fara-gelin ku sameeyeen jiritaanka soohdimaha Somalia, Waxay fara-gelin ku sameeyaan sidoo kale Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya,” ayuu Danjire Jamaal u sheegay wargeyska.

Sidoo kale, Danjiraha waxa uu intaas ku daray “Tani waxay Abuurtay in Dowladda Soomaalia ay Hakiso Qaadkii uga iman jiray waddanka Kenya, iyadoo cadaadis iyo ganaax uga dhigaysa ganacsatada Qaadka ee Gobolka Meru.”

Xukuumadda Federaalka Somalia, ayaa ku dhawaaqday Isniintii la soo dhaafay inay joojisay Qaadkii ka iman jiray Kenya, iyadoo Somalia ay tahay suuqa ugu weyn ee Qaadka Kenya loo iib-geeyo.

Si kastaba ha ahaatee, Bishii July ee Sannadkan 2016-ka, ayuu Peter Munya yimid Hargeysa, si uu u Qal-qaaliyo xeerarka ganacsiga ee dhoofinta Jaadka Dalka Kenya, iyadoo dalka Kenya ay bixinayso beddelkeeda nooc ka mid ah Aqoonsiga Somaliland.

Haseyeeshee, si caadi ah ayey diyaaraddii keeni jirtay Laascaanood jaadka Miirooga ahi u keentay, iyadoo baabuurta dheereeye lagu qaaday, loona gudbiyey deegaanadda Puntland ee diyaaradaha laga joojiyey, waxaana qaadka shalay yimid Laasaanood fursad u helay in deegaanadaasi Garoowe, Boosaaso iyo Kaalkacyaba gaadiid loogu daad gureeyo.

Somaliland ayaa iyadu  hore usoo saartay go’aan ah in aanu ka shaqayn Karin Somaliland amarka ka soo baxay Soomaaliya, isla markaana yihiin dal ka madax banaan Soomaaliya.

Dhinaca kale,Qaad qiimihiisa lagu qiyaasay 50 milyan oo shilinka Kenya ah ayaa maalintii labaad ku xayiran garoomada iyo bakhaarada qaadka ee Nairobi, caasimada Kenya.

Dhowr diyaaradood oo Muqdisho tagi lahaa ayaa ku xayiran Nairobi kuwaasoo qaadka geyn lahaa caasimada Muqdisho. Arrinkaas ayaa waxaa u sabab ah in Isniintii dawlada Soomaaliya ay sheegtay inay amar kusoo rogtay diyaaradaha Kenya ee qaadka oo aanays ogoleyn inay qaad keenaan dalka Soomaaliya ilaa amar dambe.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.