WorldRemitAds

Faallo: Booqashadii uu Xoghayaha Gaashaanidhigga ee Biritayn, Gavin Williamson toddobaadkii hore ku tagay Hargeysa  waa tilmaan muujinaysa in kalsoonidii ay dowladda Biritayn ku qabtay maamulka Farmaajo iyo dawladda Federaalka  Soomaaliya inay meesha ka baxday islamarkaana u soo diga-rogatay Somaliland.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Arrintan ayaa kooxo yar-yar oo shabakabada bulshaddu ku xidhiidho ee  Intarnet ka ku dagaalama islamarkaana u dagaallama dawladda itaalka daran ee Farmaajo kaga jawaabeen dagaal ay ku qaadaan dawladda Ingiriiska iyo Wasiirka Gaashaandhiga ee dalkaas. Iyagoo ku tilmaamaya nin kala jaraya waddanka Somalia oo ku dhawaad sodon sanadood kala maqnaa, laba dawladoodna kala ahaa,

Dadkaas ka sokow qaar kale oo isu dhigaya inay wax ka og-yihiin macaamilka aduunka oo iyana saluugsan dawladdoodda Somalia ayaa qoraallo ay ku dhaliilayaan Somalia Xukuumadda ka jirta baahinayay. Waxa ka mid ah dadkaas Liibaan Axmed nin lagu magacaabo oo muujiyay in dawladda Ingiriisku dhisatay Somalia lafteedda, waxaana qoraalkiisa ka mid ah oo uu yidhi. “ Sanadkii 2012kii ayay dowladdii uu hoggaaminay David Cameron ayaa abaabushay Shirkii London ee Soomaaliya. Shirkaasi wuxuu dhabbaha u jeexay  soo gabagabayntii dowladdii ku meelgaadhka ahayd.

Mid ka mid ahaa qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkaas wuxuu dhigayay in lacagta Soomaaliya loogu yabooho  la soo mariyo  guddi wadajir ah oo dowladda iyo deeq-bixiyeyaashu xubno ka yihiin ( Joint Financial Management Board) . Guddigaasi muu dhaqangelin waayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muu ku qasbanayn inuu qaato  qodobbo  madaxdii Soomaalidu isku raceen waqti dalku lahaa dowlad ku meel gaadh ah. Guddigii wadajirka ahaa waxaa beddelay Guddiga Maamulka Maaliyadda (Financial Governance Committee) Dowladda hadda  jirta,  oo dhowaan laba jirsan doonta, ayaa ka dambaysay dowladdii kowaad oo aan ku meelgaadh ahayn.  Inkastoo dowalddu leedahay awoodo ay heshiisyo  kula gasho shirakdo shisheeye, ma laha awoodda maamul oo ay dowlad dalka oo dhan ka talisa  in ay yeelato lagama maarmaan tahay.” Ayuu yidhi waxaana uu sheegay inay dawladdani degdeg muujisay oo aanay ka faa’iidaysan khaladkii tii ka horaysay waaa sida uu hadalka u dhigaye.” Taageerayaashii maamulkii hore  way  qaadan la’ yihiin dhiirranaanta Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ku saxeexdo heshiisyo waaweyn. Dadkii u doodi jiray dowlad dhexe oo awood-badan waxay maanta u doodayaan federaalnimo.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Dowladda Biritayn waxay qabatay laba shir ( 2013kii iyo 2017kii) waxayse hadda u muuqataa  inaanay la dhacsanayn siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliyeed war kama soo saarin booqashada Xoghayaha Gaashaandhiga ee Biritayn ku tagay Hargeysa. Booqashadani waxay  keentay jahwareer diblomaasiyadeed: Wafdiyada heer sare oo ka socda Biritayn waxay ku soo horreyn jireen Muqdisho si ay u muujiyaan  siyaasaddooda ku salaysan dhowrista midnimada siyasasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya. Gavin Williamson wuxuu kormeeray xarunta Ciidammada Somaliland ee Hargeysa oo wuxuu kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.” Ayuu raaciyay.

Waxana uu tilmaamay inay meesha iman karto siyaasad cusub oo dawladda Ingiriisku leedahay oo ka dhan ah Somaliya. Marka ay sidaas tahay ee qoraayadda taageersani sidaas u hadlayaan. Sidoo kale kooxihii nabad iyo nolol weerarka ka wadaan Internetka waxaa ay u muuqataa in jahawareerku ka dhab yahay. Maadaama ay Qaramadda Midoobay isku dhaceen, Ingiriiska, iyo Faransiiskuna ka hor yimaadeen. Sidoo kale, Maraykanku soo ururinayo ciidamadiisii dibadda ka joogay oo ay ku jiraan kuwa Somalia. Islamarkaana dawladda Shiinaha oo ay dhawaan Somalia la gasahay heshiisyo aanu u muuqan mid u diyaar ah inuu difaaco. Si kasta ha ahaatee, dawladda Somaliland illaa hadda waxaa ay u muuqataa mid haysa dhabihii saxda ahaa oo aan deg-deg iyo walaac midna ku jirin. Islamarkaana la jaan qaadaysa is bedelladda dunnida maanta ee deg-degga ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.