WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, May 28, 2018 (Saxafi) – Wasiirka Horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa sheegay in aan maamulka Hawadda lagu wareejinin Soomaaliya.

Cabdilaahi Abokor oo shalay warbixin siinayay Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliand ayaa sheegay in uu socdo wada hadal ku saabsan hawada Somaliland iyo Soomaaliya isla markaana aanay jirin wararka sheegaya in maamulka hawadda lagu wada wareejiyay dawladda Federaalka Soomaaliya. “Duulimaadyadda Hawada waynu ognahay Muddo badana wuu soo socday arrinta Soomaaliya, hawshaas waxa iminka gacanta ku haya Wasiirka arrimaha dibada Somaliland iyo maareeyaha Garoomadda, maadaama aan annagu iminka hawlaha gacanta ku hayno. Beri dhaweydna way u baxeen oo shir bay ku soo yeesheen Nairobi, waxaana ina dhexdhexaadinaysay UN, markaa arrintaasi waa mid socota walina go’aan rasmi ah lagama soo saarrin, iyagana wax iminka lagu wareejiyay ma jirto.” ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Abokor.

SomlegalAds

Wasiirku waxaa kale oo uu sharaxay hawlaha wasaaradiisa oo uu tilmaamay inay cusub tahay, Islamarkaana weli ay ku jiraan isku duba ridkeeddii. “Dal aanay ka jirini ma jirto wasaaraddu gaadiidku, laakiin, si kastaba ha ahaatee inaga haday cusubtahay.” Ayuu yidhi, waxaana uu intaas raaciyay oo faah-faahiyay hawlaha ay waddaan. “Waxaanu hadda gacanta ku haynaa mashruuca ugu weyn ee dalka ka socda oo ah Jidka Ceerigaabo iyo Burco.” Ayuu yidhi waxaanu intaas ku daray inay mashruucaas xoogga saareen, Islamarkaana uu saameeyay dagaalkii beelaysnaa ee gobolkaas ku soo noqnoqday.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.