WorldRemitAds

Duqa Caasimadda Somaliland ee Maayar Cabdiraxmaan Soltelco: Masuul koobsaday Hoggaamin Tolmoon, Hawl-karnimo, Hufnaan Maamul iyo Hayinnimo…”

Qallinkii Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)

SomlegalAds

Taariikhda ayaa xusi doonta, oo xusuusnaan doonta, waxaana hubaal ah in maalin maalmaha ka mida si hal haleel ah loogu hal-qabsan doono mashaariicda ma guurtada ah ee ka hir-galay Caasimada Hargeysa shantii sannadood ee u dambeeyey, taasoo ay barbar socotay koboca Magaalada ee dhinacyada dhismaha iyo Ganacsiga oo si xawli ah ku socda, iyadoo aanay Bulshada Maalgashadeyaasha ahi daboolin doorka kaga aaddan horumarinta bilicda iyo kaabeyaasha udub-dhexaadka u ah muuqaalka wanaagsan ee Magaaleed oo haddii ay Hantiileyaasha Shacbigu kaalintooda ka qaadan lahaayeen aynu hubno inay Magaaladu Habeen iyo Maalin isku si’ u muuqan lahayd, halka ay iminka shaqadii bilicda iyo dhismaha kaabeyaasha oo dhami dusha ka saaranyihiin Dawladda hoose  oo aan haddana mar qudha ku hafan baaxada howlaha ay hayso ee ay Bulshadu dhankeeda hagratay. sababtuna  waxay tahay masuulka hogaaminaya oo ah hayin aan hubsiimo la’aan guurin, humaag ka gelin maalinba halkii wax ka qabasho iyo howl u baahan, hamigiisuna aanu ahayn hanti ka dhaqo beriba waad ka huleeli xilka’e.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

Magaaladu waa Hargeysa, waxa ku nool umad lagu qiyaaso 30% Dadka Somaliland, sababtoo ah waa Caasimada dalka, taas oo ay dhamaan Xafiisyadii Dawladda sare iyo Dawladda dhexe ku yaallaan. Mar kalena waa magaaladii Ganacsiga Maceeshada iyo Xoolaha. Mar saddexaadna waxay meteshaa Magaalada Raaxada iyo Dalxiiska oo ma jirto magaalo kale oo Somaliland ah oo buuxisay mid kamida qaybahaas qaab-magaaleed oo culayska miisaankaa leh ka dulqaaday, waxaana amaan iyo bogaadin mudan Golaha Deegaanka iyo Maamulkooda dhexda u xidhay maamulka iyo maareynta Magaaladan koobsatay arrimaha kor ku xusan oo dhan.

Mashaariicda ugu waaweyn ee Caasimada Hargeysa ka hirgalay shantii sanandood ee u dambeeyey

Ka hor intii aan la doorran Golaha Deegaanka ee iminka fadhiya, inkasta oo  golihii hore iyo Maayarkii hogaaminayey la odhan karo dedaal kuma yarayn, Magaaladuna ka saxmad iyo mashquul yarayd siday iminka tahay, haddana waxa ka jiray dhibaatooyin isbarkanaa oo midiba mid ka darnayd oo iyagoo heehaabaya uu shaqada la wareegay Golihii la soo doortay dabayaqaadii 2012-dii. waxaana ka mid ahaa dhibaatooyinka lama ilaawaanka ah ee iminka sii suulaya Muranka dhulka iyo dacwadaha Hantida ma guurtada ah oo joogto ahaa, wado la’aan inta badan Xaafadaha ka jirtay iyo burburka jidadka mara Wadnaha Magaalada oo ay ceebtoodu saameyn jirtay xisbiga iyo Xukuumadda talada haysa.

Iyadoo sidaas xaalku ahaa, wakhtigan oo lix sannadood laga joogo markii Golaha Deegaanka la doortay isbedelka ka hana qaaday Magaalada, waxa hubaal ah inaan qormo iyo qalin toona lagu soo koobi Karin, kaas oo aan mugdi kaga jirin qof kasta oo kamida Bulshada ku dhaqan Magaalada, waxaanan ka xusi karnaa haqab-beelka Wadooyinka Laamiyada ah ee Xaafad walba laga hir-geliyey, hagaajinta jidadka Halbowlaha u ah Magaalada, gaar ahaana Wadada Bariga iyo Galbeedka uga baxda ee loo dhisay qaabka casriga ah, taasoo kamida waxyaabaha looga tusaale qaato halbeegyada horumarka Somaliland gaadhay, si weyna ay ula dhacaan Dadka ajaanibka ahi marka ay Waddanka yimaadaan.

Maayar Cabdiraxmaan Soltelco waxaa hamigiisa balllaadhan tusaale kaaga filan Wershadda Samaynta Laamiyadda Casriga ah ee uu magaalada u soo iibiyey, taas oo noqotay ta keliya ee dawladdi leedahay ee dhaxalkana u noqonaysa caasimadda iyo cidii uga dambaysa maamulkeedaba.

Waxa kale oo kamida, Hindiseyaasha, hir-gelinmimada iyo hana-qaadka gaadhay ee Dawladda hoose ee Hargeysa, aasaaska Hay’adda Dab-damiska ee dalka oo dhan ka howl-gashay oo kamida hal-abuurnimadii maamulka Caasimada ee muddada kor ku xusan shaqada la wareegay, iyadoo dhismaha Ciidanka Dab-damiska lagu tilmaami karo howlaha ugu muhiimsan ee ay qabatay Dawladda hoose wakhtigaas, lana ogyahay waxtarka ay yeellatay.

Waxyaabaha kale ee mudadaas Dawladda hoose soo kordhisay waxa kamida Gaadiidka dhismaha Waddooyinka iyo nidaaminta Faya-dhowrka iyo Nadaafada Magaalada oo iyaduna ah arrin wax badan kaga duwan hanaankii hore ee ay u maarayn jireen maamulkii hore.

Waxa kale oo ay Dawladda hoose ka qayb-qaadatay horumarinta Degmooyinka hoos yimaada Gobolka Maroodi-jeex oo ay Gaadiid iyo qalab ku kabtay, waxaana kamida Degmooyinkaas kuwii cusbaa ee ku soo biiray Gobolka oo ay Maamulka Caasimadu taageero balaadhan u fidiyeen.

Howl-kar iyo Hayinnimo

Dhamaan Mashaariicdan iyo horumarkan baaxada leh ee lixdii sannadood ee la soo dhaafay ay Dawladda hoose ee caasimadu qabatay, waxa  hagiddooda iyo  hogaamintooda ku suntan Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo ah Maayarkii ugu da’da yaraa ee soo mara Magaaladan intii ay Somaliland jirtay isagoo markii uu xilka qabtay da’dii soddomeeyada ku jiray oo aanu gaadhin afartanka, kaas oo ha ugu da’ yaraado Maayaradii Magaalada soo maraye noqday masuulkii ugu wax qabadka badnaa, marka la eego mugga iyo midhaha mashaariicda uu fulay muddada uu xilka hayey, taas oo ay u dheertahay inuu hogaaminayey  Gole deegaan oo u badan dhalinyaro aan waayo-aragnimo buuran iyo aqoon qoto dheer u lahayn nidaamka Dawladda, qaarkoodna ay qurbo-joog yihiin oo aanay wax badan ka fahamsanayn habka fulinta shaqada.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Hogaaminta Golaha Deegaanka ee ka kooban Qurbo-joogga iyo Dhalinyarada oo ayey dhif iyo naadir ahayd Khilaafkooda iyo is-qabqabsi ragaadiyey shaqadooda, iyadoo inta la ogyahayna uu hal mar muran aan sii daba dheeraani ka dhex aloosmay, kaas oo ay muddo kooban  xal kaga gaadheen, taasoo ah arrin kale oo u dheer howl-karnimada uu alle ku manaystay, muujinaysana hayinnimada iyo maamul-hufnaantiisa miisaanka leh.

Dhiiri-gelinta Dhalinyarada iyo Ganacsiga

Duqa Caasimada Hargeysa, Maayar Cabdiraxmaan Soltelco muddadii uu xilka hayey, wuxuu baal-dahab ah kaga jiraa masuuliyiinta Dawladda ee mar walba dhiiri-gelinta la garab taagan horumarinta da’yarta ku foogan Ciyaaraha, waxaanay Dawladda hoose dayac-tir iyo horumarinba ku samaysay Garoomada kala duwan ee ku yaala Magaalada, iyadoo garoomada sida weyn loo hagaajiyey uu kamid yahay Garoonka Hargeysa Stadium oo ay door weyn ka qaadatay Dawladda hoose.

Dhinaca Ganacsiga, waxa muddadaas Magaalada laga hir-geliyey Sarriibado tiro badan isugu jira kuwo gaar loo leeyahay iyo qaar Dawladda hoose dhistay, waxaana laga dhisay Xaafadaha Degmooyinka badankooda.

Hogaaminta Ururka Dawladdaha hoose

Ugu dambeyn, Dawladda hoose ee Hargeysa oo uu hormuud u yahay Maayar Cabdiraxmaan Soltelco waxay xudun u tahay Isku-xidhka Dawladdaha hoose ee Dalka, iyadoo uu Maayarku Guddoomiye ka noqday Ururka Dawladaha hoose sannadkii 2014-kii, xilkaasoo uu ilaa iminka hayo.

Waxa xaqiiqo ah, in muddada uu Maayarka Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ahaa Guddoomiyaha Ururka Dawladdaha hoose  ay horumar balaadhan ku talaabsadeen Dawladdaha hoose ee ka jira Magaalooyinka waaweyn ee Waddanku, horumarkaasoo  Ururku suurta-gelintooda udub-dhexaad u ahaa.

Sidaas-darteed waxaan ku tilmaami karnaa Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) Masuul koobsaday Hoggaamin Tolmoon, Hawl-karnimo, Hufnaan Maamul iyo Hayinnimo.

W/Q: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Gobanimonews

Hargeysa  Office

Email: editor@gobanimonews.com

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.