WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 8, 2015 (Saxafi)-Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi iyo wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda Ganacsiga Kaysar Maxamed Cabdilaahi ayaa shalay si diiran loogu soo dhoweeyey madaarka caalamiga ah ee Cigaal ka dib markii ay hawlo shaqo u joogeen wadanka Ingiriiska.

Maayar ku xigeenka iyo wasiir ku xigeenka Ganacsiga waxa kale oo dadkii soo dhoweynayey ka mid ahaa madax dhaqameed ay ka mid ahaayeen Suldaan Cawil Maxamed (Fiiqle), Suldaan Axmed Cismaan, Guddoomiyaha Waaxaha Maxamed Mooge Iyo Maxamuud Haybe Cumar Taraydh, Xogyaha dawladda hoose ee Hargeysa, Ibraahim Raabi, xildhibaanadda golaha deegaanka Hargeysa, Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Magaalada Berbera Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf, Guddoomiyaha Kooxda Fanaaniinta Xidigaha Geeska Xasan Dhuxul Laabsaalax, Fanaaniinta kala ah Yurub Maxamed Cabdi (Yurub-Geenyo), Cabdiraxmaan-Oday, Muusigistaha Weyn Axmed Weli Ibraahim Furinle, Dhalinyaro, Aqoonyahan, Ganacsato, iyo marti-sharaf kale oo tiro baddan.

IMG_20151106_230917Guddoomiyaha Fanaaniinta Xidigaha GEES-ka Abwaan Xasan Laab-saalax oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi“Masuuliyinta maanta madaarka Hargeysa lagu soo dhaweynayo oo uu ugu horeeyo Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Ambsaddor Kaysar Cabdilaahi, iyo maayir kuxigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Caga-weyne, waxaanu leenahay dalkiina ku soo dhaawada”.

SomlegalAds

 “Waxaan kugu soo dhaweynayaa Hargeysa, Waxaan kugu soo dhaweynaynaa xilkaaga, waxaan kugu soo dhaweynaynaa dalkaaga iyo dadkaaga.”.Ayuu yidhi Abwaan Laabsaalax.

Mar uu Abwaan Laab-saalax ka hadlayay Maayir Kuxigeenka Kuxigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Cago-weyne, waxa uu yidhi “Waa Magaaladiisi, waan ku soo dhaweynaynaa, ku soo dhawoow Magaaladaadii”.

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Ambassador Kaysar Maxamed Cabdilaahi ayaa waxa uu u mahad-celiyay dhamaan dadweynihii kala duwana ee soo dhaweeyey “Waxaan u mahad-naqayaa ILAAHAY oo na nabad-qab keenay, Waxa kale oo aan u mahad-naqayaa dadweynahan fara baddan ee na soo dhaweeyey ee kala ah Salaadiinta Cuqaasha, dhalinyarada, Abwaanada Fanaaniinta.Waxa kale oo aan halkan uga mahadnaqayaa Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo runtii marlabaad kalsooni I siiyay, oo xil-qaran I magacaabay, Waxaan ku talo-jiraa oo aan ILAAHAY ka rajeynayaa inaan sida ugu wanaagsan ee ugu daacadsan uga soo baxo xilkaas haddii ILAAHAY yidhaahdo, kal-soonida uu igu qabo, oo inta awoodayda ah inaan dedaali doono in dadkayga iyo dalkayba wax u qabto”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Dalkeenu waa dal dhisan, waa dal jirido adag ku taagan, dal amaankiisu sugan yahay, dal ay ka jirto xukuumad ka talisa, Madaxweyne waayo-araga, oo dalkana xaalado baddan kala soo dabaashay in baddan, halgan dheerna nala soo galay sidii aynu xorriyadan aynu maanta haysano.Halgankii ay umaddeenu soo gashay guusha midhihiisi waynu haynaa, Xusuus kooban halkan aynu joogno ee Madaarka Magaalada Hargeysa Weerarkii ugu danbeeyey ee Ururkii SNM soo qaadeen ka mid ayaan ahaa saddex qof ayaa nagaga dhintay maanta waa Al-xamdulilaah oo calankeeni ayaynu hoos hadhsanaynaa, marka insha Alaahu dalkeena waynu dhisi doona, waynu u shaqeyn doonaa, Qalin iyo Qori mid kastaba”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Bulshadeenu waxay leedahay yool inay gaadho, yoolka ay hiigsanayso oo ah inay gaadho dal madax-banaan oo barwaaqeysan, cadaalad ku socda, oo ay duniddu aqoonsan tahay, yoolkeenu waakaa qofkasta oo muwaadina waa inuu ku shaqeeyaa sidii aynu yoolkaasi u gaadhi lahayn.”

Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi Cago weyne ayaa sheegay inuu kulamo badan la yeeshay maayaradda magaalooyinka UK, isla markaana qaarkood wefuud usoo diri doonaan Somaliland, kuwaas oo uu xusay inay ka caawin doonaan dhinacyo badan.

Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa Cago weyne waxa ka mid aha hadaladiisa “waxaanu na kulanay qar kamid ah maayirada magaaloyinka waaweyn ee Ingiriiska, waxaana kala soo hadalnay sidii wada shaqayn u wada yeelan lahayn, isla markaana nooga caawin lahaayeend hinacyadda horumarka, waxaana dhowaan inoo iman doono xildhibaano ka tirsan wadankaasi iyo ganacsato kuwaas oo dalka soo booqan doono”.

“waxa kale oo la kulanay maayarka Sheffield oo aanu uga mahad naqday ictiraafkii ay Somaliland siiyen, waxaanu noo seegay in uu imika kala shaqayn doono dhinaca horumarka oo ay ka mid tahay Biyaha, caafimaadka iyo Laydhka, ka dibna waxaanu tagnay maayarka Biristol wuxuuna noo ballanqaaday inuu usoo diri doono wufuud Somalilland iman doonta”ayuu yidhi Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa Cago Weyne.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in qalabkii faraha badnaa ee dawladda hoose ee Hargeysi soo iibsatay noqonayso mid lagu horumariyo, taas oo la tartami doonta magaaloyinka waaweyn ee dalka.

Xoghayaha Dawladda hoose ee Hargeysa Ibraahim Axmed Raabi aya isna soo dhoweeyey hawlaha faraha badan ee uu maayar ku xigeenku usoo qabtay caasimadda, isla markaaana sheegay in uu maayar ku xigeenku yahay nin guugaabo badan oo hawl kar ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.