WorldRemitAds

Waxaan Maanta Qarsooneyn Oo Aan Cidina Qarin Karin Oo Ay Dhamaan Bulshadda Caasimadda Hargeysa Ku Nooli Qirsan Yihiin In Uu Maayarka Caasimadda Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko)  Wax Wayn Ka Qabtay Dhinacyadda Kala Ah.

A: Dhinaca Dhismaha Waddooyinka Caasimadda Hargeysa Iyo Dayactirkooda Isla Markaana Dhisay  Laamiyadda Iyo Waddooyinkii Ugu Tiradda Badnaa Halka Uu Baneeyey Jidad Ama Waddooyin Hore U Xidhnaa Oo aan La Soo Koobi Karin, Waxaana Intaasi U Dheer In Uu Intii Uu Golaha Deegaanka Guddoomiyaha U Ahaa Uu Sido Kale Alle  Ku Guuleeyey Dhismaha Biriishyo Dhawr Ah Oo Shacabka Hargeysa Ku Dhaqani Baahi Weyn U Qabeen, Isla Markaana Fududeysay Isku Socodkii Wakhti Roobaadka Kuwaasi Oo Ay Ka Markhaati Kacayaan Dhamaan Degmooyinka Caasimaddu Ka Kooban Tahay Oo Ta Ugu Yar Maayar Soltelko Wax Qabadkiisa Taariikhdu Xusi Doonto Oo Uu Hirgelintooda Iyo Xadhig Ka Jaristoodaba Isagu Ku Guuleystay.

Ugaas AxmedB: Duqa Golaha Deegaanka Ee Hargeysa Md Soltelko Waxa Uu Sido Kale Mudadii Gaabneyd Ee Uu Guddoomiyaha Ka Ahaa Xildhibaanadda Council-Ka Ee Hargeysa Uu Noqday Masuulkii Ugu Firfircoona Ee ku Guuleysta In Uu Saaxiib Dhaw La Noqday Isla Markaana Dhexgalay Degmooyinka Ay Leedahay Caasimadda Ugu Balaadhan Uguna Dadka Badan Jamhuuriyadda Somaliland Ee Hargeysa, Taasi Oo Sahashay In Golaha Deegaanka Ee Hargeysa Ay Mashaariic Tiro Badan U Hirgeliyaan Bulshadda Ku Dhaqan Degmooyinka Caasimadda Hargeysa, Iyada oo Jid Kasta Oo Xaafadda Hargeysa Ku Yaala Hadii aad Marto Ay Dadka Meelahaasi Ku Dhaqani Ka Markhaati Kacayaan Inay Raadadka Ka Muuqda Yihiin Kuwo Ay Wax Qabadka Maayar Soltelko Iyo Xildhibaanadda Golihiisa Deegaanku Qabteen Mudadii Uu Isagu Maayarka Ahaa, Waxaana Ugu Sii Muhiisan In Arimaha Maayarku Diiradda Saaray ay Ka Mid Tahay Kor Uqaadida Nadaafadda Iyo Fayo Dhawrka Xaafaddaha Iyo Degmooyinka Caasimadda Hargeysa Oo Dabagal Iyo Qiimeyn Joogto Ah Uu U Sameeyey In Guddi Golaha Deegaanka Ka Tirsani Ay Joogtu U Sameyso Si Loo Helo Caasimad Nadiif Ah.

SomlegalAds

Anigu Uma Qaadan Qalinka In Aan Maayarka Amaan Aanu Laheyn Si Aan Xaq Aheyn U Siiyo Haseyeeshe Aniga Oo Ka Mid Ah Madax Dhaqameedka Qaranka Somaliland , Waa Waajib In Aanu Qofka Dedaalaya Ee Umadda Isaga Iyo Anaguba Aanu Madaxda Iyo Dhaqanka U Wada Nahay Hadii Uu Doorkiisii Ka Soo Baxay Aanu Ku Dhiirigelino Masuulkaasi Dedaalay Ee Waliba Dhalinyarta Ka Soo Dhex Baxay Ee Aan Meel Kale Hargeysa Uga Iman , Waxaan Leeyahay Md Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Waad Ku Mahadsan Tahay Wixii Aad Qabatay Waana Mid Waajib Iyo Xil Ka Saarna Oo Aad Gudatay Balse Anigu Hadii Aadan Xilkaaaga Ka Soo Bixi Laheyn Ogow Waan Kugu Dhaliililahaa Oo Waan Ugu Baraarujinlahaa Balse Hada Wax Aan Ka Aamusi Kari Waayey Oo Aad Alle Iyo Umadda Aad Madaxda  U Tahayba Markhaati Tahay Ayaad Qabatay, Marka Ugu Dambeyn Aniga Oo Mar Kale Kugu Hambalyeynaaya Dedaalka Aad Aad U Horseeday Golaha Deegaanka Ee Aad Madaxda U Tahay , Waxaan Ku Leeyahay Waanu Kugu Taageersahay Wixii Dhimana Hadii Ay Caafimaad Tahay, Hadii Ay Waddooyin Tahay Iyo Hadii Ay Biyo Gelinta Caasimadda Hargeysa Tahayba Waa In Aad Halka Ka Sii Wada Taariikhduba Waa Ma Guurto Oo Waa Ku Xusi Doonta Kolba Halka Ama Raadka Wanaagsan Ee Aad Dadkaaga Iyo Umaddaada Uga Tagto Waayo Siyaasaddu Ma Dhamaato Oo Waxa Laga Yaaba Hadii Aad Maanta Halka Wax Qabadka Ka Sii Wado Inay Beri Kugu Abaal Mariyaan Inay Sidii Aanu Kugu Codaynay Xildhibaanimadda Ay Hadana Madaxweynenimo Kugu Abaalmariyaan.

Waa Qalinkii:  Ugaaska Dhalinyarta Ee Beelaha Garxajis, Ugaas Axmed Xuseen Askar

Mobile: 4125218

Alla Mahad Leh Wa Bilaahi Tawfiiq

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.