WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 6, 2014 (Saxafi) – Maayarka Caasimada Somaliland ee Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), ayaa shalay la kulmay guddida joogtadda ee golaha Guurtidda kuwaas oo su’aallo ka waydiiyey waxqabadka Maayarka mudaddii uu joogay.

Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Soltolko ayaa wax laga weydiiyay hawlaha dawlada hoose, isla markana u sharaxay shaqooyinka ay umadda ay u ahaayaan, isagoo tilmaamay wadooyinka cusub ee ay soo kordhiyeen, kuwiii hore oo qaarkood dayactireen, Dab-damisyo heegan ku jira oo guri kasta oo dabka kaco mudddo gaaban ku soo gaadha iyo Qashinka oo ay wax badan ka qabteen.

Maayarka ayaa dhamaan Su’aalaha ugu jawaabay Xildhibaanada kaas oo Marka hore ku bilaabay inta uu xilka hayay waxa u qabsoomay waxaana uu uu yidhi.“Waxaanu wax ka qabanay oo Hawl muhiima ahayd Dam-damiska, Markaad eegtana Sida  ay Hawlaheenu is ku dhex yalaan waad aragteen kuwaas oo ay ka mid yihiin Xadhkihii laydhka,Dharkii,Kaalmihii Shidaalka,Hadana anaga oo eegayna Awoodayada waxaanu keenay Dam-damis waxaana naga caawyey madaxweynaha iyo wasaaradda Maaliyadda, waxaana hadda Hargeysa jooga sideed Dabdamis oo shaqaalihiisa iyo qalabkooddii u dhan yahay, waxaana wadda xaruntii guud ee dab-damiska caasimaddu yeelan lahayd oo aanu ugu talo-galnay in badhtamaha magaaladda ka dhigno si dhinac walba ugu gurman karan, waxaanay taasi keentay in khasaarihii dabku keeni jiray aad u yaraaday, taas oo dadweynuhu aad ugu nasteen”.

SomlegalAds

???????????????????????????????

Waxaanu intaas ku daray “Dadkii oo dhan baa dariqyaddii wada degay imika wasaaradda caafimaadka horteedda oo banaan ayaanu beertii ugu horeysay  ee caasimaddu yeelato ka samaynay ,  waxa kale oo meel qurux badan ka samaynayaa halka gacanta la yidhaa ee total, Qorshahana waxa noogu jirta in aanu samayno beertii xawayaanka ee caasimadda, inkastoo dhulkii oo dhan dadkii wada yeesheen hadana qorshaha mustaqbalka way noogu jirta”

Maayarka Caasimada Hargaysa  waxa kale oo uu sheegay inay sameeyeen wadooyinkii ay ka gali lahaayeen labadda suuq ee ugu weyn ee Gobonimo iyo Waaheen haddii dab yimaado, maadaama oo hanti badani inoo yaalaan oo ay tahay ubacddii shacabkeena.

Sidoo kale, Maayarku waxa uu tilmaamay gaadiid cusub oo ay ku soo kordhiyeen caasimada kuwaas oo qashinka iyo dhismayaasha wadooyinka ka qaybqaadan doono, isla markaana kireyntooddu lacag badani kaga bixi jirtay, waxaanu yidhi“Markii hore waxaanu kiraysan jirnay Gawaadhida shacabka taas oo lacag badani nagaga bixi jirtay, nasiib wanaag waxaanu hadda soo iibsanay gawaadhi waaweyn oo labadii hada ugu horeeyey ay shaqeeyaan Tankooduna yahay 24 tan,waxaanu soo iibinay Cagaf-yo iyo Rug-layd Samaysa wadooyinka,waxaanu dayac Tirnay oo aanu kicinay Cagaf Nootaalay dawlada hoose ee Hargaysa,waxaanu iibinay iska ragooyinka oo iyana gacan siiya shirkadaha Qashinka.”.

Mar kale oo xaga qashinka wax laga waydiiyey waxa uu sheegay inuu qashinku yahay aafo qaran, isla markaana toddobaad walba olole ku qaadaan, waxaanu yidhi “ horta Qashinku waa Aafo qaran, waxaana samaynayaa olole qashin lagu ururiyo, sidoo kale waxa jirtay shirkaddo qashinka ururiyo oo laba mid ah shaqaddii ka joojinay ka dib markii ay waxba qaban waayeen, waxaana ku bedelnay shirkaddo kale, waxa kale oo qoraalo u dirnay hay’addo badan si ay nooga caawiyaan qaabkii qashinkaasi loo ururin lahaa, waxaana hadda naga aqballay baanka aduunka oo labaatan milyan noogu ballanqaaday, lacagtaasi oo lix milyan lagu balaadhin doono biyaha caasimadda halka inta kale lagu qorsheynayo qaabkiii qashinka looga yareyn lahaa caasimadda, inkastoo aanu dadaalayno hadana wali qashinkaasi waa aafo qaran oo ina haysata, waxa kale oo aanu soo kordhinay qolooyin caafimaad oo ka shaqayn doono xaga fayo dhawrka kuwaas oo eegi doona dawooyinka  caasimadda soo gasha si caafimaadka dadkan loo ilaaliyo”

Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland oo kulan kaasi la yeeshay Maayarka ayaa su’aalo ka waydiiyay Dhinaca arimaha bulshada kuwaas oo Maayarku sidiisa uga jawaabay Su’aalahaas ay xildhibaanadu waydiiyeen. Waxaanay sheegeen inay ku qanceen Warbixinta uu maayarku  u jeediyay Kuwaas oo ku amaanay Kaalinta uu dalka Kaga jiro iyo sida uu kor ugu qaaday Baahiyiin Arimaha bulshada.

Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida somaliland, ayaa inta Goleweynuhu fasaxa ku jiro, waxa ay u yeeshaan Masuuliyiinta shaqada qaranka ee kala duwan haya, waxana ay weydiiyeen su’aalo al xidhiidha shaqadooda iyo habka uga midho dhaliyeen Dedaalkooda ku aadan shaqada ay hayaan

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.