WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, August 19, 2017 (Saxafi) – Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Md: Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa ka hadlay wadooyinka badan ee ay magaaladda Hargeysa ka wadaan, isla markaana dadweynaha ugu baaqay in wakhtiyadda wadooyinka la samaynayo ay tixgaliyaan amaradda shaqaalaha wadooyinka ka shaqaynaya.

Sidoo kale, Maayarku waxa uu ka jawaabay khilaaf la sheegay inay soo kala dhex galeen isaga iyo Muuse Biixi oo uu sheegay in aanay waxba ka jirin, isagoo arrintaasi ku eedeeyey inay faafiyeen xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Hase yeeshee ugu horeyn Xildhibaan Cabdicasiis Aadan Habane (Cabdicasiis Sisto) oo ka mid ah xildhibaanadda golaha deegaanka, isla markaana isagu qaabilsan wershadda wadooyinka samaynaysa oo ka hadlay wadooyinka ay caasimadda ka wadaan iyo wadadda hal bawlaha ah ee dhakhtarka daba marta oo ay hadda wadaan, waxa uu yidhi “Wadadan hadda aanu wadno ee Dhakhtarka dabadiisa oo qudha ma wadnee waxaanu hore u soo samaynay wadaada madaarka, wadadda kowaad ee Hargeysa iyo intaas oo waddo oo kale oo aan hore loo samayn, waxaan filayaa inay tahay dawladda hoose wakhtigii ugu waddo dhis badnayd ay tahay, waliba waanu sii wadaynaa, dawlada hoose maanta waxay leedahay qalab iyo warshad ku filan inay magaalooyin kale wax ka qabato”.

SomlegalAds

Sidoo kale, waxa isna halkaasi ka hadlay Injineerka warshadan wadooyinka ee dawladda Hoose Injineer Baashe, waxaanu yidhi “Waxay ka soo bilaabanta weecadka hoteel Guuleed, waxaanay ku dhamaanaysa Tiyaatarka new Hargeysa, waxa kale oo aan garab wadnaa wadooyinka kale ee dhinacyadda ka soo baxa sida wadadda madaxweyne ku xigeenka hor marta, Wadadda dhakhtarka galbeedka ka marta, wadadda hay’adaha gasha, wadada Sheekh Bashiir hor marta  ilaa inta laga gaadhayo tiyaatarka wadooyinka dhinacadda ka soo galla ayaa noo dhex socda oo aanu wadnaa”.

Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa u mahad celiyey shaqaalaha afarta habeenimo ilaa galinka dambe ka shaqaynaya wadadda, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa ““Anigu waxaanu u mahad naqayaa shaqaalaha aan xalayna seexan, maanta shaqadda ku jira ilaa galabtana shaqadda ku jiraya ee maalin walba shaqadda ku jira ninka u dambeeya ayaa shanta subaxnimo soo shaqo galla, waxaanay afarta subaxnimo istaadhaan warshadda, ragaas habeen iyo maalin shaqadda ku jira, ha la tixgaliyo oo ha la ilaaliyo oo marka dadka ay ka joojiyaan wadadda ha ka joogaan”

Dhinaca kale, Maayarku waxa uu ka hadlay warar ay webstiyadda qaar qoreen oo sheegay inay is khilaafeen Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi iyo Maayarka Caasimadda, waxaanu yidhi “Run ahaantii arintaasi waxba kama jiraan xisbiyada qaranka qof waliba xisbi ayuu ka tirsanyahay, saaxiibadayo xisbiga WADDANI malaha may ogayn inaan xisbi ka soo baxnay, aad bay uga xumaadeen dhaq dhaqaaqa siyaasadeed anna xisbi ayaan ka tirsanahay, cida dacaayadaha riqiiska ah samaynaysa waxaan leeyahay aniga iyo Muuse ismaanu khilaafin, waa musharaxaygii waa gudoomiyihii xisbigayga, madaxweyne Axmed Siilaanyo sidii aanu u soo saarnay si la mid ah ayaanu Muusana u soo saaraynaa, hadii uu alla yidhaahdo”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.