WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 18, 2016 (Saxafi) – Maayarka Caasimadda Md:Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid  Soltelko ayaa shalay la kulmay guddida arrimaha gudaha iyo difaaca ee golaha Wakiiladda, waxaanu ka xog waramay kulankii dhexmaray.

Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Soltelko ayaa sheegay in guddidan arrimaha gudaha ee guddi hoosaadka golaha Wakiiladdu yahay guddida ay si toos ah hoos u yimaadaan, isla markaana shaqo ka wada dhexeyso, waxaanu sheegay inay warbixino dhaadheer is waydaarsaday.

Maayarka oo markii uu shirkaasi soo dhamaystay warbaahintu wax ka waydiisay wuxuu daarnaa kulankan dhexmaray guddida arrimaha Gudaha, waxaanu yidhi “Waa guddida toos noo khuseysa Wakiilada, waa ka xumahay in aanan hore u kulmin, maanta waxaanu yeelanay kulan dheer, waxyaalaha aanu tabanayno waxyaalaha ay na waydiinayeen, shaqadayaddu siday u socoto, warbixin dheer baanu is waydaarsanay, sidii loo wada shaqayn lahaa”

SomlegalAds

Waxa kale oo Maayarka Caasimadda la waydiiyey “waxa dhici jirtay dhalinyaro rabshaddo ka samaysa magaaladda, inkastoo imika yaraadeen, arrimahaasi xal ma loo helay, waxaanu ku jawaabay “ Run ahaantii mushkiladaha ciyaalku way jiraan, anaga guddiyada nabadgalyadda iyo Booliska ayaa iska kaashadda, imika xeer baa laga samayn doonnaa ciyaaalkaasi iyo ciqaabteeddu siday noqon doonto”

Sidoo kale, waxa uu maayarku ka warbixiyey sida dhismaha wadooyinku u socdaan, waxaanu yidhi “Dhismaha wadooyinku wuu noo socdaa, wadaddii Asfalka ahayd baanu wadnay oo  jaygiina waanu u kaydinaynaa,, isbayrbaarkii oo naga maqnaana badhna shalay buu yimid badhna saandambe  imanayaa, intii kalana waxaanu sii wadnaa wadooyinkii caro kaawaddo ahaa ee la sii dhisayey…Xaqiiqdii waxay tahay shay bilaa Sparpar ah markaad ku bilowdo haddii caqabad yari ka hor timaado wax noqonaysa wax kale, waxa naga gubtay Daynabo waa la hagaajiyey oo Sparparkan yimidna way ku jirtaa waxaanu doonaynaa iyadoo Sparparkoo dhamaystiran noo yimaadaan inaanu hal mar wada dhaqaaqno, wadadaas galbeedka waxa ka hadhay laba boqol oo mitir, markay intaasi dhamaato ta ku xigtaa waa ta Madaarka oo aanu bilaabi doonno .”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.