WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 24, 2015 (Saxafi) – Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo ay wehelinayaan xildhibaanadda iyo xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa ayaa kulan dadweynaha iyo madaxdoodu isku waydaarsanayaan baahiyadooda ku qabtay xayndaabka dawladda hoose ee Hargeysa, kaas oo ahaa kulanka dadweynaha iyo dawladda hoose.

Dadweynaha ayaa su’aalo toos ah waydiinayey madaxda dawlada hoose, iyagoo isla goobtaasina uga jawaabayey, isla markaana sheegay inay fulin doonaan degmo waliba baahiyadeedda muhiimka ah.

Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Sotelko ayaa dadweynaha uga xog waramay sanadkan waxqabadkii ay ka fuliyeen degmooyinka iyo sanadka dambe degmo walba baahiyaha ka jira oo dadweynuhu usoo gudbiyeen xaafad walba baahiyaha guud ee haysta.

SomlegalAds

Maayarka Caasimadda HargeysaUgu horeyn Maayarka oo ka hadlaya waxqabadkii sanadkan waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “aad baan u jeclahay in aynu rayi kala urursano idinka oo ah dadka loo shaqaynayo iyo anaga oo ah u shaqeeyeyaashiinii,waxaanu ka wada hadli doonaa wixii aanu soo qabanay iyo waxa aanu soo qaban doonno oo aad noo sheegi doontaan wixii baahiyihiina ah,sanadkan waxaanu ka bilownay xaafada Axmed dhagax wadadda ka baxda Siinaay ee u baxda wadadda Balligubadle hal killo mitir iyo saddex boqol oo mitir ayaanu ka samaynay,waxa ku xigtay xaafadda Maxamed Mooge oo aanu samaynay wadada Saylada ilaa Biriishka,waxa ku xigtay xaafadda Koodbuur oo aanu samaynay laba meelood oo midi afar boqol oo mitir tahay midna sideed boqol oo ah wadadda dugsiga Ilays tagta iyo ta Sacadadiin tagta, degmada Gacan libaax oo aanu iyadana ka samaynay laba kilomitir iyo laba boqol oo ah wadada xabaalaha isku xidha,waxa ku xigtay degmada June oo hada socota oo ah wadada Xawaadle, wadooyinkii horana qaarkood dib u habayn iyo dayactir baanu ku samaynay, wallow roobku qaarkood dib u googooyey, waxaanay ahayd mashaariicdii dawladda hoose toos u fulinaysay, waxaanu samaynay biriijyo ay ka mid tahay Jaleelo, Gubato oo hadda la bilaabay iyo wadada Axmed Dhagax waxay ka mid ahaayeen mashruuca JLPG wixii aanu ka dhisnay saddexdaasi”.

Waxa kale oo uu maayarku ka hadlay qalab ay soo iibsadeen oo wadooyinka ku dhisi doonaan, waxaanu yidhi “Waxaanu soo iibsanay qalab laba meelood ah, ta hore waxay ahayd laba sheewal, hal gareedhal,Rug rugley, iyo laba gaadhi oo waaweyn oo afar iyo labatan tan ah, gabi ahaanba lacagtaasi dawlada hoose way iska bixisay, ta labaad waxay ahayd qalab badan oo aanu Itoobiya ka soo iibsanay oo kala ah afar gaadhi oo waaweyn, booyad, karashalkii jayga samaynayey, asfalbalankii oo warshaddii ah, iskaafaytar bardawsal, iyo laba rug ley oo ah kuwo la shaqeeya, waxaanan lacagtiisa sii bixinay 30%, inta kalena deyn bay dawlada hoose ku tahay, qalabkaasi oo inaga baahi tiri doona wadooyinka hadana la waddo goobtii ay degi lahaayeen, waxaan is leenahay wixii waddo lagu samayanyey wajigii kowaad waad haysaan, waxaana hadhsan in dadku cashuurta bixiyaan si daamurkii iyo wixii lagu samayn lahaa wadooyinka loo helo, waxaana inoo iman doona dadkii tobabari lahaa shaqaalaha qalabkaasi ku shaqayn doonna, waxa iyadana soo iibinay ishaarooyinkii oo lix ishaarooyin oo lagu xidhay caasimada ayaanu u soo iibinay, waxaanu suuqa dhexe usoo iibinay caagadihii qashinka lagu ridayey oo meherad walba aan hor dhignay, waxana soo iibinay shan boqol oo caagadood, waxa jira biyo mareeno aanu u samaynay xaafado biyuhu ku taagnayeen oo ay kamid ahaayeen gacan libaax oo laba meelood laga sameeyey, sadex degmo oo aanu u iibinay saddex baabuur, iyo dabdemiska oo aanu hal gaadhi ku kordhinay, xafiisyada gudaha oo xafiisyo badan ku soo kordhinay intaasi waa waxqabadkii sanadkan, waxaan jeclaan lahaa in sanadka dambe rayigu idinka idinka yimaado si xaafad waliba usoo bandhigto baahiyaheedda oo aanu ku darsanno waxqabadka sanadka dambe, waxaana sanadka dambe mihiim ah siyaasada ah in amniga la kordhiyo oo saldhigyada booliska la kordhiyo iyo MCH-yada la kordhiyo”.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xoghayaha dawlada hoose Ibraahim Raabi oo sheegay inay muhiim saari doonaan rayiga ka soo baxay dadweynaha xaafada oo mid waliba baahidda u gaar ah sheegatay.

“Waanu diiwaangashanay waana gorfeyn doonaa sida ay u kala mudan yihiin, waanu u kala horeysiin doonaa, miisaaniyada sanadka, baahiyo badan ayaad soo jeediseen inta badan waanu qaban doona baahi walbana waanu buuxin doonnaa”ayuu yidhi Raabi oo ah xoghayaha dawlada hoose ee Hargeysa.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay maayar ku xigeenka caasimadda Cabdicasiis Maxamed Xaashi Cago weyne oo sheegay in kulamadda noocan oo kale ah badin doono.

Dhinaca waxa iyaguna halkaasi aaraadoodda kadhiibtay dadweynaha ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada, iyagoo xaafad waliba soo bandhigtay baahidda ugu weyn ee ay doonayaan in sanadka soo socda wax looga qabto.

Dadweynaha ayaa kulankan fagaaraha aad usoo dhoweeyey, waxaanay golaha deegaanka iyo maayarka caasimaddaba uga mahadnaqeen kulankan iyo baahiyaha ay u soo gudbiyeen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.