WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, October 21, 2018 (Saxafi) – Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa kooxdii dhawaan sheegtay inay Maayar iyo ku-xigeen isku doorteen ay sharciga dalka u yaala ku gefeen, isagoo Maayarka Hargeysa xusay in masuulka la dhaliili karro talooyinna loo soo jeedin karo, balse aanu qofna sharciga gacanta ku qaadan karin isagoo dan gaar ah leh.

Waxa klae oo uu Maayarka Hargeysa ka hadlay baahida caasimadda Somaliland taallaa inay tahay mid jirta oo wax-ka-qabashadeeda ay hadh iyo habeen u taagan yihiin, balse aan maalin keliya la wada qaban karin, isagoo xusay in ay baahida jidadka oo ah ta ugu weyn ay u kala horeysiiyaan sida loogu kala baahi badan yahay.

SomlegalAds

Sidoo kale waxa uu Maayar Cabdiraxmaan sheegay in golaha deegaanka Hargeysa ee wakhtigani yahay kii ugu waxqabadka badnaa, isla markaana baahiyo farabadan wax ka qabteen, isagoo aan meesha ka saarin in la dhaliili karro, waxaanu xusay in caadiyan bina aadamku dhaliilaan had iyo goor qofka shaqaynaya.

Hase yeexhee, Maayarka caasimadda Somaliland oo ugu horeyn ka hadlayey sida uu u arko xubnaha dhawaan is-cimaamaday, ayaa waxa uu yidhi: “Dadka yaan laga been sheegin ee dadka wax baanu dooranaya lahaa may ahayn degmooyin ee dhawr qof oo meel isugu tegay ayey ahaayeen, laakiin may ahayd dadweynaha iyo odayaasha toona, nimankaasina sharciga ayey ku gefeen, waxay ku gefeen dawladnimadii, ma noqonayso in qof intuu meel iska fadhiisto yidhaahdo waxaas baan ahay. Wixii sharcigu ka qabo ayuun baan annaguna ka qabnaa.”

Waddada xaafadda Jameecadda Ee Degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa oo hadda gacanta laga qaaday

Ta tale waxa uu Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa uu ka hadlay uu hore u jeediyay oo si kale loo fasiray, kaas oo ahaa Sheekh dhawaan ku dhawaaqay inaanay cashuurta bixinayn, “Anigu maan odhan Sheekh Mubaarik waa argagixiso, balse qodobkii uu ka hadlay ee cashuurta yaan la bixin oo ah qodob dastuuri ah oo uu ku gefay, uun baan idhi hay’adaha ammaanku ha daba-galaan, mana jirto sabab aan argixiso ugu sheegaa.”

Mar uu ka jawaabayey inay hore dadka degmooyinka qaar cabasho dhinaca waddooyinka ah u soo gudbiyeen, waxa uu Maayar Cabdiraxmaan sheegay in sameynta waddooyinka ay u kala horeysiiyaan hadba xajmiga bulshada u baahan waddadaas iyo halbeegga ama cage-gory-ga, “Iyadoo waddo bulsho farabadan u baahan tahay taalo, u tallaabi mayno waddo dad yari u adeegsanayaan, ee waxaanu u kala horeysiinaa waddada bulshada badani baahi u qabaan. Masalan labadii waddo ee ugu dambeeyay waxa laga sameeyay Maxamuud Haybe oo ah waddada Jameecadda iyo Maxamed Mooge oo ah waddada wershadaha.”ayuu yidhi

Maayarka Hargeysa: “In Lana Dhaliilo Ma Diidanin Laakiin In Sharciga Laga Horyimaadaa Maaha Wax La Aqbali Karo”
Waddada xaafadda Jameecadda Ee Degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa oo hadda gacanta laga qaaday

Maayarka Hargeysa waxa uu sheegay in la dhaliili karo waxqabadkooda, balse aanay dhaliishu noqon sharciyada dalka lagu gefo, isagoo xusay in muddadii ay xilka hayeen ay waxqabad weyn ku tallaabsadeen, isla markaana ay jiraan wax badan oo u dhiman, waxaanu yidhi: “Koley waxqabadkayaga sannad walba dhamaadkiisa ayaanu sii deynaa oo dhawaan waanu soo bandhigi doonaa wixii noo qabsoomay, bina aadamkuna qof shaqaynaya uun baa la dhaliilaa, boqolaal kiilomitir oo waddooyin ah oo aanu dhisnay ayaanu soo bandhigi doonaa. Waddo Asphalt ah oo Somaliland la dhigo caasimadda Somaliland ay kow ka ahayd oo la dhigay, annagaana dhignay, dabdemiska annagaa u horeynay oo samaynay. Waxa kale oo aanu soo kordhinay mashruuca GIS oo dhawaan dhammaan doona oo nidaamka e-government aanu ku shaqayn doono, dee annagaa soo kordhinay, wax badan oo kale oo sariibadda, biriishyo, suuqyo, ay ka mid yihiin waanu dhisnay, markaa marka aad wax qabanayso ee aad shaqaynayso uun bay dhaliishu timaadaa ama lagu dhaliilaa. Dhaliishuna way jiri kartaa oo magaalada Addis Ababa oo intaas oo qarni inaga da’weyn ayaa 30% dabooshay waddooyinkeeda, baahiyuhuna way jiraan, laakiin marba wax baynu qabsanaynaa, oo hadda diriinijyadii ayaa deraasadoodii socotaa, markaynu marin biyoodyadaas samaysano ayaanay waddooyinkuna inoo hagaagayaan. Markaa ma lihi yaan nala dhaliilin, ee wax isku sheega iyo dhaliishu waa gooni, laakiin sharciga laga horyimaadaa maaha wax la aqbali karo.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.