WorldRemitAds

Brussels, Belgium, February 06, 2019 (Saxafi) – Wefti uu hoggaaminayo Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, kana kooban Maayirrada qaar ka mida degmooyinka dalka ayaa xarunta Midowga Yurub ee Magaalada Brussels ee dalka Belgium kaga qaybgalay Shirka horumarinta Degmooyinka iyo Gobolada Adduunka.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Shirkan oo intii uu socday lagaga hadlayay sidii loo horumarin lahaa Koboca Magaallooyinka, Ganacsiga, Cimilada iyo Bilicda deegaan-magaaleedyada caalamka, ayaa waxa Weftiga Maayarrada ah ee ka qaybgalay ay ka jeediyeen warbixino la xidhiidha magaallooyinka Somaliland iyo fursadaha dhinacyada kala duwan ah ee ka jira.

Sida warku sheegay Weftiga Maayarku hoggaaminayo ee ka qaybgalay Shirkaasi, waxa ay kulamo gooni gooni ah oo u badan isbarasho iyo is-xogwaraysi la yeesheen masuuliyiin ka kala socday caalamka oo Shirka goob-joog ka ahaa.

Warku wuxuu intaa ku daray inay guul iyo soo dhaweyn mug leh kala kulmeen Weftigu Shirkaasi, natiijo wanaagsana ugu soo gabagaboobay.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Xubnaha Weftiga waxa ka mid ah Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo hoggaaminaya, Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin iyo Xoghayaha Ururka Dawladda Hoose ee Somaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.