WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, August 8, 2016, (Saxafi) – Madax-dhaqameedka beelaha Garxajis ayaa shalay kulan ay iskugu yimaadeen hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa waxay si wada jira ugu dhawaaqeen goorta la qabanayo shirwaynaha beelahaas.

Waxaanay madax-dhaqameedkani ku dhawaaqeen in shirwaynuhu ka qabsoomayo magaalada Hargeysa taariikhdu markay tahay 13-ka bishan aynu ku guda jirno oo ah todobaadka soo socda.

Waxaanay madax-dhaqameedku sheegeen inaanu shirkani ahayn mid wax u dhimaya qaranimada Somaliland, balse ay beeluhu kaga tashanayaan aayahooda iyaga oo tilmaamay inay kasoo bixi doonaan shirwaynahan go’aamo iyo qodobo aan waxba u dhimayn horuamrka iyo amniga dalka.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.