WorldRemitAds

Buuhoodle, Somaliland, June 23, 2015 (Saxafi)- Qaar ka mid ah madax dhaqameedka reer Buuhoodle ayaa si adag u dhaliilay kooxdii dablayda ahaa ee gubtay Taawirada shirkadda Telesom iyo SOMTEL oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyey madaxweyne ku xigeenka kooxda Khaatumo iyo xubno kale oo u dhow dhow.

Garaad Abshir Saalax ayaa isagoo ku sugan deegaanka Widhwidh wuxuu sheegay in falkii dhacday uu ahaa mid laga xumaado; isagoo xusay in la baabi’iyay hanti ay dadka deegaanku leeyihiin.

SomlegalAds

Sidoo kale, Keyse Cabdi Yuusuf oo k amid ah kooxda KHaatumo ayaa sheegay inuu ka xun yahay burburkaa lagu sameeyey hantidda shirkadaha isgaadhsiinta ee Telesom iyo Somtel, kuwaas oo Taawiro lagu dhuftay madaafiic.

“Waxaan raalligelin u dirayaa madaxda shirkadaha Telesom iyo Somtel, shaqaalaha iyo macaamishaba, waxaana leeyahay wixii dhacay waa fal xun, mana ahan waxaan maamul ahaan isku ogeyn; waana laga wadahadli doonaa,” ayuu yidhi Keyse.

Isagoo sii hadlaya Keyse Cabdi Yuusuf ayuu wuxuu xusay in hantida ay leeyihiin dad Reer Buuhoodle ah  isla markana ay waajib ku tahay in hantidooda loo badbaadiyo, lana ilaaliyo.

Masuuliyiinta shirkaddahan la gubay ayaa falkaasi ku eedeeyey xubno ka tirsan kooxda khaatumo oo madax ka ah, iyagoo sheegay in aanay hantidooda sidas kaga hadhi doonin.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Khaatumo ayaa dhawr cisho ka hor gubtay laba Taawir oo ay kala leeyihiin labadaasi shirkadood, iyadoo aan la garanayn sababta u gubeen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.