WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 9, 2018, (Saxafi) – Wakiilka ugu sareeya Bangiga Adduunka ee dalalka Somaliland iyo Somalia Mr Hugh, ayaa soo gaadhay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, waxaana u jeedada safarkiisu ahaa mahadnaq iyo bogaadin shaqadii adkayd ee Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland ku diiwaangelisay shaqaalaha dawladda ee guddaha dalka ku sugan.

Kulanka uu shalay Wakiilka ugu sareeya Bangiga Adduunka ee dalalka Somaliland iyo Somalia Mr waxaa Hugh uu kula yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda ee Somaliland Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle iyo saraakiisha kale ee hay’adda shaqaalaha, ayaa kulankaasi oo ka qabsoomay Xarunta Hay’adda shaqaalaha ee Hargeysa, waxa sarkaalkani Bangiga aduunka ka socday uu si wayn u bogaadiyey uguna mahadceliyey Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ee dalka ka fulisay mashruucii diwaangelinta shaqaalaha dawladda, waxaana Guddoomiye Sharmarke Geelle oo kulankani faahfaahin ka bixyey kulanka ay la qaateen Sarkaalkan ka socda Baanka Aduunka uu qoraalkiisa ku yidhi.

SomlegalAds

Wakiilka Bangiga adduunka “World Bank” u qaabilsan amuuraha Somaliland iyo Somalia Mr Hugh Riddell oo ay wehelinayaan saraakiil sar sare oo ka socota banggiga adduunka iyo sida oo kale agaasimaha guud ee qorshaynta ayaa socdaal isugu jira booqasho iyo bogaadin ku soo gaadhay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

Intii kulanku socday ayaa gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Sharmaarke Axmed Muxumed uga  xaal waramay  xogta iyo xaalka dhinacyada is-kaashi ee banggiga aduunka iyo sida oo kale hay’adda shaqaalaha dawladda, iyada oo ay  ka wada hadleen  hannaanka haboon iyo hilinka loo marayo hiigsiga hay’adda shaqaalaha dawladda ee helitaanka shaqaale xulan, xirfad le oo xoolo iyo xasaanad ba ka dhisan. Sida oo kale Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa banggiga aduunka u soo bandhigay warbixin qoraal ah oo ay ka sameeyeen halkii laga soo bilaabay dib u habaynta shaqaalaha dawladda, hiigsiga dhaw iyo himilada mustaqbalka fog

Mr Hugh Riddell ayaa dhinaciisa bogaadiyey hawshaa baaxada badan ee hay’adda shaqaalaha dawladdu qaranka u hayso iyo sida xirfada, xisaab-celinta  iyo xikmada leh ee ay u wada shaqeeyaan labada dhinac isaga oo u rajeeyey mustaqbal wanaagsan iyo wada shaqayn tolmoon.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.