WorldRemitAds

Garoowe, Somalia, July 08, 2018 (Saxafi) – Madaxweyne ku-xigeenka dawlad goboleeda Puntland ee Somalia Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey ayaa walaac ka muujiyay dhaqaale la’aan laxaad leh oo soo waajahday Puntland waqtigan isagoo ku sababeeyay dagaallada ku furan maamulkan.


“Dagaalku wuxuu dhaqaalaha u gubaa sida dabku Xaabada u gubo, wax kasta oo aan ahayn…” Madaxweyne ku xigeenka Puntland


Camay oo todobaadkan ka qayb galayay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen in ka badan 100 Arday oo ka baxday Machadka Dr. Axmed ee magaalada Garoowe, ayaa waxaa uu sheegay in dhaqaalaha Puntland uu hoos u dhacay mudadii ay joogeen xafiiska. Camay oo ka jawaabayay codsi kaga yimid maamulka dugsigaas, wuxuu sheegay inaanay awoodin dhaqaalaha lagu dhisayo iskuul uu yeesho machadkaasi, balse hadii mar kale la doorto ay ku dedaali doonaan sidii ay uga jawaabi lahaayeen codsigaas. “Runtii howl baan rabaa inaan in yar ka idhaahdo waa codsiga Machadka iyo waaladiinta Dr. Axmed College, anaga waad na ogtihiin oo waqtigayagii waa iska gabaabsi hada hadii aan ballanqaadana waxaan ka cabsanayaa inaan ku beenoobo, laakiin codsigiina hadii aad na soo celisaan waxbaan ka qabanaynaa, hadii aad na soo celin weydaana anagoo shakhsiyaad ah baan wax idin kala qabanaynaa marnaba ku hongoobi maysaan,” Ayuu yidhi Camey.

SomlegalAds

Mar uu faah faahinayay sababta keentay in dhaqaalaha Puntland uu hoos u dhaco wuxuu ku sheegay dagaallo ku furnaa mudadii ay xafiiska joogeen. “Laakiin waxaan dareemayaa tani (Puntland) waa iska liic-liicaysaaye dhaqaale laga sugaa inaanu jirin, idinkaa dhaqaale la idinka doonayaa doollarka aad bixisaan wuxuu caawinayaa halganka ay ku jirto Puntland ee dalka lagu xoraynayo,” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo hadalkiisa kusii daray ,” Dawladeenu Harag Shabeel bay huwantahaye dhaqaale la idiin sheegaa ma jirto.”

Wuxuu qiray in dagaallada socdaa ay baabi’inayaan dhaqaalaha Puntland kuwaas oo ay ku jireen afartii sano ee lasoo dhaafay sida uu hadalka u dhigay. “Dagaalku wuxuu dhaqaalaha u gubaa sida dabku Xaabada u gubo, wax kasta oo aan ahayn dee dagaal baynu ku jirnay anagana intii nala doortay Afar Sano iyo ja-jab bay ahaydoo hal mar maanu neefsan ama Shabaab baanu kula dagaallamaynay Suuj iyo Garmaal, ama Daacish baanu la dagaallamaynay ama Dariska ayaanu la dagaallamaynay in kastoo aan ku faraxsanahay dariska qaar inaanu ka heshiinay oo walaalo nahay oo maanta gacanta is haysano, qoladaa kale ee Waqooyi Galbeedna waxaan leeyahay war walaaltinimada yaan laga tagin,” Sidaas waxaa hadalkiisa ku daray Camey.

Ugu dambayn wuxuu sheegay in nabad ka dhalataa gobolka Sool aanay sii jirayn inta ciidamo ka tirsan Somaliland ku suganyihiin wax uu ugu yeedhay dhul ka tirssan Puntland.

Hadalka Camey ayaa ku soo beegmay xilli dhaqaalaha Puntland uu hoos u dhacay mudadii ay xafiiska joogeen, taas oo ka sokow dagaalada uu sheegay la wariyay inuu aafeeyay maamulkaas musuq-maasuq gaadhay heerkii ugu sareeyay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.