WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 15, 2012 (Saxafi) – Madaxdhaqameed reer Somaliland ah, ayaa waan waan ka waday sidii ay usoo furdaamin lahaayeen Markabkii ganacsatadda Somaliland u saarnaa alaabta, kaas oo ay afduubteen budhcad badeed ka soo jeedda Puntland, kuwaas oo la tagay xeebta Hobyo ee deegaanka Gaddo.

Madax dhaqameedkan oo ku sugan magaaladda Boosaaso, ayaa kulamo la yeeshay madax dhaqameedka reer Puntlad iyo ganacsatadda Puntlanad, kuwaas oo ay ka dalbadeen inay gacan ka gaystaan sidii markabkaasi ganacsiga u siday dad Soomaaliyeed loo soo furan lahaa.

Madax-dhaqameedkan ayaa kulamo dhowr ah la yeeshay Isimada beelaha ay ka soo jeedaan Budhcad-badeeda afduubtay Markabkii u rarnaa ganacsatadaSomaliland, waxayna ka dalbadeen inay doorkooda ka qaataan sidii loo soo furmaadin lahaa Markabkaasi.

SomlegalAds

Madax-dhaqameedkan ayaa la sheegay in sidoo kale ay Odayaasha iyo Isimada ay la kulmeen u sheegeen in dadka Soomaliyeed wakhtigan aanay waxba kala lahayn isla-markaana ganacsigeedu isku xidhan yahay.

Suldaan Caydaruus Saalax Ibraahim oo ka mid ah Madax-dhaqameedka reerSomalilandee ku sugan Boosaaso ayaa rajo fiican ka muujiyey xaalada Markabkaasi wakhtigan ku sugan yahay, isagga oo sheegay in Markabkaasi oo markii hore lagu haystay deegaanka Hobyo ee gobolka Gedo, hadda loo soo wareejiyey Xaafuun.

Suldaan Cayduruuus ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin sidii loo soo deyn lahaa markabkaasi, isla-markaana ganacsatada iyo waxgaradka reer Puntland uga fadhiyaan inay qayb libaax ka ciyaaraan soo deynta Markabkaasi u rarnaa dekeda Magaaladda Berbera.

Madax-dhaqameedkan ayaa qorshaynaya inay geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaan sidii loo sii dayn lahaa markabkaasi u rarnaa ganacsatada reer Somaliland, kaasi oo xambaarsan shixnad lagu qiyaasay laba Milyan oo doolar, 150 gaadhi oo isugu jira kuwo yar-yar iyo waaweynba, sidoo kalena waxa uu Markabkaasi MV Laila sidaa bagaash aad u badan oo ganacsatada Somaliland leeyihiin.

Markabkan dedaalka loogu jiro in la soo furdaamiyo ayaa waxa saran 17 qof oo isugu jira shaqaalaha Markabka iyo dad rayid ah oo ka soo raacay halkii uu ka soo shiraacday.

Arrintan waxaa hore uga hadlay kooxdan afduubatay Markabkaasi kuwaasi oo sheegay in aanay soo deynayn ilaa inta la soo daynayo maxaabiista budhcad badeedda ah ee ku xidhanSomaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.