WorldRemitAds

Santa Cruz, Bolivia, November 24, 2015 (Saxafi) — Madaxweynaha dalka Bolivia, Evo Morales ayaa ku dhawaaqay toddobaadkii hore in Israa’iil ay tahay dal argagaxiso ah oo dhibaato ka wada marinka Gaza ee dhulka Reer Falastiin.

Madaxweynaha_Bolivia_Israaiil_660Morales ayaa xusay in wixii hadda ka dambeeyay dadka Israa’iiliyiinta ah ee booqanaya Bolivia looga baahan yahay inay fiiso dalbadaan, isgaoo xusay in la jabiyay heshiis 1972-kii ay wada-galeen Israa’iil iyo madaxweynihii hore ee Bolivia, kaasoo dhigayay inay fiiso la’aan geli karaan Yuhuuddu dalka Bolivia.

Sidoo kale, madaxweynaha dalka Bolivia ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay u aqoonsan doonaan Israa’iil waddamada qaybta saddexaad ku jira, taasoo uu ku sheegay macnaheeda in waaxda socdaalka dalkaas ay dib u eegis ku sameyn doonaan codsiyada fiisaha lagu dalbanayo ee ka imanaya Israa’iiliyiinta. “Haddii hadalka si kale loo dhigo, waxaan odhan karnaa – Israa’iil waa waddan argagaxiso ah,” ayuu mar kale yidhi madaxweyaha Bolivia Morales, isagoo intaa ku daray. “Israa’iil ma ixtiraamto shuruucda Qaramada Midoobay u dagsan iyo sidoo kale baaqyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.”

SomlegalAds

Evo Morales ayaa raacay jidkii madaxweynihii hore ee Venezuela Hugo Chavez’s, kaasoo xidhiidhka u jaray Israa’iil sannadkii 2009-kii, isagoo ku eedeeyay inay shacabka Falastiin ku hayaan xasuuq.

Waddamada ku yaalla Koonfurta Ameerika ayaa waxay ka mid yihiin dalalka ay inta badan booqdaan shacabka Israa’iiliyiinta ah, gaar ahaan dhallinyarada oo u taga waddamadaas dalxiis kala duwan.

Sidaas oo ay tahay Inta badan dalalka ku yaalla Koonfurta Ameerika ayaa waxay u yeedheen safiirradii ka joogay Israa’iil, iyagoo sheegaya inay kasoo horjeedaan dagaallada Marinka Gaza, waxaana dalalkaas ka mid ah, Brazil, Chile, Ecuador iyo Peru.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.