WorldRemitAds

Madaxweynaha dhalin yarada ah ee dhawaan loo doortay dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhacay, booraantii galaafan jirtay madaxdii ka horaysay ee dalkaas taladiisa qabata, oo aad moodo in fadeexaduhu jid aan laga bad baadin u ahaayeen.

Madaxweyne Emmanuel Macron oo ah madaxweynihii ugu da’da yaraa ee talada dalkaas qabta, ayaa lagu soo faqay fadeexad la xidhiidha kharaashaad xad dhaaf ah oo u is qurxintiisa oo kaliya u isticmaalay, gaar ahaan wajiga iyo qaybta hore ee jaaha ee afka qalaad loogu yeedho, (Makeup).

Jariirada todobaadlaha ah ee ugu afka dheer dalka Faransiiska ee Le Point, ayaa cadadkeedi ugu danbeeyay ee soo baxay ku soo daabacday, qaar ka mid ah waraaqihii biilasha ahaa ee Madaxweynuhu ku bixiyay is qurxintiisa iyo is dhoob dhoobkiisa.

SomlegalAds

Taas oo sida jariiradu sheegtay lagu qiyaasay 32-kun oo dollar oo lacagta dollarka Maraykanka ah, una dhiganta ilaa lix iyo labaatan kun oo Yuuro, waxaanay ahayd lacagtani mid ku baxday burushyada waji qurxinta Madaxweynaha loo isticmaalay sadex biloodkii u danbeeya.

Waana lacagtii ugu badnayd ee Madaxweyne Faransiis ahi ku bixiyo burushyo uu jidhkiisa ku qurxinayo, laakiin waxa sheekada sii qarxisay jawaabtii aqalka looga taliyo dalkaas ee  Elysee-ga loogu yeedhaa ka bixiyay.

Taas oo noqotay mid af kala qaad ku noqotay dadka Faransiiska ah ee aadka ula dhacsanaa siyaasada Madaxweynahoodan cusub, Qasriga Elysee-ga ayaa sheegay in Madaxweynuhu aanu khibrad badan u lahayn is qurxinta sidaa awgeed ay burushyo badani u khasaareen laakiin laga gaashaaman doono wixii imika ka danbeeya, dibna aanay u dhici doonin.

Shacabka Faransiiska ayaa ku kala qaybsamay warkan fadeexada Isqurxinta Madaxweynahooda ku saabsan, waxaanay intooda badani ka bixiyeen dareen cadho ku lamaan tahay, oo waxa ay ku doodayaan in aanay jirin sabab uu isku qurxiyo madaxweynuhu, halka qaar kale ay ku doodayaan in tani noqonayso mid balan fur ku ah qorshihiisi lagu doortay ee gunti giijiska iyo hoos u dhigista kharashaadka dawladu isticmaasho.

Isku soo wada duubo warkan lagu soo faqay madaxweyne Emmanuel Macron ayaa noqonaysa fadeexad saamayn wayn ku yeelan doonta, mustaqbalkiisa siyaasadeed ee sida wayn u soo hirayay, waxaanay dhaawici doonta magacii uu ku kasbaday taageerada shacabka Faransiiska ee uu kaga adkaaday labadii xisbi ee dalkaas muddada dheer soo xukumi jiray.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.