WorldRemitAds

Paris, Faransiiska, November 24, 2015 (Saxafi) – Madaxweynaha Faransiiska ayaa ballanqaaday inuu sii kordhin doonno duqaymaha kooxda Islaamiga ah ee Daacish goobaha ay ku sugan yihiin, isla markaana bartilmaamadaysan doonaan saldhigyadda ay ku leeyihiin waddamada Suuriya iyo Ciraaq.

Francois Hollande, Madaxweynaha Faransiiska, ayaa sidaas ka sheegay kulan uu la sheegay Raysal wasaaraha Ingiriiska David Cameron, kaasoo ay ku sheegeen labadan hoggaamiye ay ka heshiiyeen inay xoojiyaan is-dhaafsiga wararka sirdoonka labada waddan.

“Waxaan rumeysanahay inaan burburin karno Daacish,” ayuu yidhi Hollande oo maalmahan dadaal xooggan ugu jiray sidii uu u heli lahaa garab gacan ka siiya howlgallada Faransiisku uu uga jawaabayo weerarkii toddobaad ka hor ay ISIL ku qaaday magaalada Paris oo ay ku dhinteen in ka badan 130-qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 350-qof oo kale.

SomlegalAds

Madaxweynaha Faransiiska“Duqeymaha ka dhanka ah ISIS waan sii xoojin doonnaa… waxaanan dhaawacyo xooggan gaadhsiin doonnaa kooxda si walba oo ay suuro-gal noogu noqoto,” ayuu Hollande mar kale ku yidhi hadalkiisa.

Sidoo kale, Hollande ayaa wuxuu intaas ku daray. “Waa inaan burburinno ISIS… waxaana ku wargelinnay ciidamadeenna cirka inay si adag u duqeeyaan xarun walba oo ay leedahay Kooxda Daacish.”

Maalmihii lasoo dhaafay ayuu madaxweynaha Faransiiska wuxuu kulammo kala duwan oo uu taageero ku raadinayo la yeeshay madax ay ka mid yihiin; madaxweyne Vladimir Putin iyo RW Jarmalka, Angela Merkel, isagoo sidoo kalena taleefoonka kula hadlay Obama.

Hollande ayaa hadalkiisa ku daray in dalalka France iyo Britain ay muddo dheer ka wada-shaqeynayeen sidii xal siyaasadeed loogu heli lahaa kooxda ISIS ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Francoise Hollande ayaa wuxuu sidoo kale sheegay in madaxweynaha Suuriya, Bashar Al-Assad uu noqon karin hoggaamiye oo uu ka qaybqaatay xasuuqa shacabkiisa; isagoo in taas ku daray in aanu wax xal ah ka gaadhi karin xaalada ka taagan dalka.

Dhanka kale, David Cameron ayaa isagana sheegay in waddankiisa ay ka go’an tahay inay taageeraan Faransiiska oo uu sheegay inay xulufo weyn yihiin, isagoo yidhi. “Boqortooyada Midowday waxay sameynaysaa wax walba oo ay awooddo si ay u taageeraan saaxiibkood Faransiiska, ayna gacan uga geystaan burburin kooxda Daacish.”

Mr Cameron ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in dalalka Yurub oo dhan ay kordhiyaan wada-shaqeyntooda dhanka ka hortagga argagaxisada, isagoo ugu baaqay inay xoojiyaan ilaalada xuduudahooda ayna is-dhaafsadaan macluumaadyada dhanka duulimaadyada gudaha Qaaradda Yurub iyo dibaddeeda.

 “Way caddahay in Dunida ay doonayaan in la iska kaashado sidii la isaga difaaci lahaayeen khataraha argagaxisada. Waxaanan ku talinayaa in la is-kaashado sidii looga hor-tegi lahaa khataraha kooxaha argagaxisada ah,” ayuu mar kale yidhi David Cameron.

Hoggaamiyeyaasha waddamada Britain iyo France ayaa waxay wacad ku mareen inay iska garab-sadaan sidii ay u jabin lahaayeen kooxda IS oo ay ku sheegeen inay tahay mid khatar ku ah ammaanka caalamka oo dhan.

Ugu dambeyn, duqeynta ka dhanka ah ururka ISIS ee uu Faransiisku billaabay ayaa kusoo beegmaysa xilli maalin ka hor uu Golaha Ammaanka ee QM uu meel-mariyay Qaraar uu u gudbiyay Faransiiska kaasoo lagu dalbanayay in la weerari karo ISIS oo toddobaad ka hor weerartay magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.