WorldRemitAds

Madaxweynaha dalka Iran Hassan Ruhani ayaa ku gacan saydhay, Marti Soor qado oo uu dhigiisa Faransiisku ku casuumay, marka uu dhawaan booqashada rasmiga ah ku tago caasimadda dalkaas ee Paris, ka dib markii waaxda hab maamuuska u qaabilsan madaxtooyada Faransiisku ay diiday, in liiska cuntooyinka iyo cabitaanada lagu sooryaynayo Madaxweyne Xasan Ruxani ay ka saaraan Khamriga Nabiidka loo yaqaano oo dhaqan u ah Faransiiska.

Madaxweynaha Dalka Iran ayaa maalmaha soo socda socdaal warbaahinta reer galbeedku taariikhi ku sheegtay, ku tagi doona dalka Faransiiska, waxaana sida nidaamka dublamaasiyadeed yahay, dawlada Faransiisku ay dalka Iran u soo gudbisay, liiska kulamada iyo meelaha uu booqan doono iyo marti qaadyada loo samayn doono, oo ay ku jirto casuumad qado ah oo dhigiisa Faransiisku ku sooryayn doono.

Madaxweyneyaasha Iran iyo FranceKhilaaf ka dhashay hadhimo sharafeeda madaxweyne Hollande ku marti qaadi doono, Xasan Ruxani Madaxweynaha Iran, ayaa cirka isku shareertay, ka dib markii xafiiska baratakoolka Faransiisku ay diideen in Khamriga Nabiidka oo ka mid ah sharaabka lagu cabi doono, casuumadaas laga reebo oo si buuxda looga saaro.

SomlegalAds

Ruxani ayaa si uu xal ugu helo arrintaas si toos ah ugala hadlay Madaxweynaha Faransiiska waxaanu u cadeeyay, in diinta Islaamku ka mamnuucayso cabista Khamriga sidaa awgeedna aanu ka qayb gali Karin, sooryo qado oo Khamri ku jiro, xitaa meel uu yaalo aanu iman doonin.

Sida wararku sheegayaan, Madaxweynaha Faransiiska François Hollande, ayaa u sheegay Madaxweynaha Iran, in aanu liiska ka reebi Karin, sababtoo ah? Waxa uu khamriga Nabiidku ka mid yahay, dhaqamada lama taabtaanka ah ee dadka Faransiisku dhaataan, waana shuruudaha ugu mudan ee hab dhaqanka soo dhawaynta iyo marti qaadka ajaanibka.

Markii xaaladu heerkaas gaadhay, ayaa Madaxweynaha Iran Xasan Ruxani uu ku gacan saydhay, casuumadaas, waxaanu si buuxda ugu war geliyay Madaxweyne Hollande inuu ka noqday oo aanu shaqo ku lahayn, kana soo xaadiri doonin.

Khilaaf dublamaasiyadeedkan ka dhex qarxay labada madaxweyne ayaa si deg deg ah dibada ugu soo baxday, warbaahintuna qaada dhigtay, waxaana markiiba ka dhashay Su’aalo tiro badan oo la xidhiidha, sababta Faransiisku u tix gelin waayay rabitaanka Marti sharafeediisa? Waxa kale oo warbaahinta qaarkeed is waydiisay oo su’aal ka keentay, Madaxdii Muslimiinta ahaa ee Faransiisku Marti qaado iyagu maxay uga xanaaqi waayeen ama uga dareen celin waayeen?

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.