WorldRemitAds

Hargeysa, Somalilad, Febuary 3, 2018,(Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray ciidamadda Qaranka Somaliland sanad guuradda 24-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskoodda.

Warsaxaafadeed boggaadintan lagu faah-faahiyay oo ka soo baxday madaxtooyadda waxaa lagu yidhi sidan. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, saraakiisha, saraakiil ku xigeenada, ilaa dable meel ay joogaanba xuska sannad guuradda 24aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aaska ciidanka qaranka Somaliland awgeed oo sannad walba la xuso 02-February.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale hambalyo taa la mid ah u dirayaa dhammaan qoysaska ciidanka naftood hurayaasha qaranka ah meel ay ka joogaanba.

SomlegalAds

Madaxweynuhu waxa uu ciidamada iyo qoysaskoodaba u rajaynayaa inay sannadka sanadkiisa ku gaadhaan nabadgelyo, barwaaqo iyo bash-bash, halkaana ka sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan ka midho dhalinta himilada iyo adkaynta difaaca dalka iyo dadka Somaliland, taas oo ah mid ay shacbiga Somaliland mudadaa 24ka Sanno ah kaga gam’een ciidamada qaranka kalsooni iyo adkaynta jiritaanka Qaranka Somaliland.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.