WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, May 29, 2018 (Saxafi) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday In Hadaladii uu Boorama kaga hadlay ee uu mugdiga ku geliyay cidda madaxweyne ka ah Somaliland ay ahaayeen kuwo kaftan ah, hasa yeeshee madaxweynaha Somaliland hogaankeeda hayaa uu yahay Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu ku dooday in kasta oo la boobay, haddana inay ku qanceen natiijadii doorashada madaxtooyadda ee soo baxday.

SomlegalAds

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu u waramayay Barkhad Cabdilaahi Maxamed oo ka tirsan HCTV, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  “Madaxweynaha Maanta Joogga Somaliland Waa Muuse Biixi Cabdi, Natiijaddiina waanu aqbalnay, hadaladaa aan ka idhi Magaaladda Booramana kaftan baabay isaga badnaayeen, in kasta oo uu Madaxweynuhu Dhibsaday, markaa Natiijadii doorashada iyo ciddii madaxweyne noqotay Muran kuma jiro, laakiin dad badani waxa ay rumaysan yihiin in nala boobay, Laakiin Madaxweynaha Maanta Joogga Somaliland Waa Muuse Biixi Cabdi” ayuu yidhi.

Mar la waydiiyay bal heerka ay maanta marayso qabyaaladdu iyo cida uu u tuhmayo in ay halkaasi gaadhsiisay waxa uu ku jawaabay “Anigu Waxa aan isleeyahay doorashadu markii hore wax iska dabiici ah bay ahayd in lagu kala qaybsami karro, laakiin in la bogsiiyo oo nabarada la dhayo xilka ugu wayni waxauu saaran yahay xukuumadda” ayuu yidhi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.