WorldRemitAds
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo waraysigii ugu danbeeyay, telefishanka CBC ee dalka Maraykanku la yeeshay, ayaa kaga waramay waxyaabo badan oo noolishiisa iyo xogaha u gaarka ah ee aanay dadka badankoodu waxba kala socon.

Waraysigan Telefishanka CBC, la yeeshay Madaxweyne Barack Obama iyo Xaaskiisa Michelle Obama, ayaa kooxdii qaadaysay, ku tilmaantay is nabad galyayntii ugu danbaysay ee Telefishanka CBC iyo Madaxweyne Obama oo xilka madaxtinimada dalka Maraykanka haya.
Waxaanu telefishanku Madaxweynaha Maraykanka uga mahad naqay, saaxiibtinimadii wanaagsanayd ee telefishanka iyo isaga u dhaxaysay, waxaanu sideedi sanadood ee uu xilka hayay, Madaxweyne Obama telefishankaas siiyay ku dhawaad labaatan waraysi, waxaanu telefishankaasi ku faanay inuu kaalmaha ugu horeeya ka galay xidhiidhka warbaahinta Maraykan iyo Madaxweyne Obama.
Sida aalaba dhacda madaxweyne kasta oo soo mara dalka Maraykanku, wuxuu ku qasban yahay, inuu saxaafada siiyo waraysiyo, mar kasta oo ay ka dalbadaan, mana jirto wax shuruudo ah oo ay ku xidhaan, haddana sida CBC, sheegtay Madaxweynayaasha laftoodu iyagaa u kala samaysan soo jiidashada iyo kasbashada rayul caamka iyo suxufiyiinta laftooda, waxaanu Obama ku sifoobay madaxweyne aad warbaahinta iyo macaamiisheeduba u jecel yihiin.
Haddii aynu hordhacaa telefishanku ka bixiyay Madaxweyne Obama iyo xidhiidhkiisi fiicnaa ee uu saxaafada la lahaa kaga soo gudubno, waxa uu telefishanku madaxweynaha waraysigoodan ugu danbeeyay, ku waydiiyay su’aalo tiro badan.
Hasa yeeshe sida ciwaanka qormadeenu tilmaamayso, aynu si gaar ah uga soo qaadano, cabashada Madaxweyne Obama iyo xaaskiisu ka muujiyeen, interner xumada baahsan ee ka jirta aqalka cad, taas oo sida uu Madaxweyne Obama sheegay gaaadhay heerkii ugu xumaa ee internet lagu tilmaamo.
Intaanu hadalka dhamayn ayay xaaskiisu ka boobtay waxaanay tidhi, “Mararka qaarkood labadayada hablood way dhibsadaan, waxaanay dareemaan oo internet-ka liitaa ku abuuraa cadho iyo dhakafaar.” Ayay tidhi Michelle Obama xaaska Madaxweynaha dalka Maraykanku.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in dhibaatada internet xumada aqalka cad, ay ka gaadhay inuu xasuusto, mar kasta oo laga hadlayo qadiyad culus oo xal loo raadinayo, waxaanu xusay inuu ku sigto inuu qadiyado waaweyn oo jira uu ku dhex dari gaadho ama afku ka xadi gaadho.
Madaxweyne Obama ayaa sidoo kale mar la waydiiyay talooyinka uu siinayo, Madaxweynaha dadka Maraykan soo doortaan ee badali doono, ku daray inuu qorshaha ku darsado, xal u helida dhibaatada internetka ee aqalka cad ka jirta.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.