WorldRemitAds

Washington, Maraykanka, December 1, 2016 (Saxafi) – Madaxweynaha Cusub ee Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in wiilkii Soomaaliga ahaa ee weerarka ku qaaday jaamacad ku taalla gobolka Ohio in aanay ahayn in wiilkaasi markii horaba dalka joogo maadaama oo uu qaxooti ahaa.

Wiilkan Soomaaliga ah oo magaciisa la odhan jiray Cabdirisaaq Cali Cartan oo jaamacaddii uu dhiganayey weerar Mindi ah ku qaaday ka hor inta aan al dilin  ayaa kooxda Daacish sheegatay inay ka dambeeyeen, waxaanu wiilkaasi dhaawacay kow iyo toban qof.

Bogga wakaaladda wararka ee xidhiidhka la leh kooxdaasi, ayaa sheegay in wiilkaasi 18 sano jirka ahaa ee bartay cilmiga ganacsiga uu ahaa “Askeri” iyaga ka tirsan.

SomlegalAds

“Kooxda ISIS ayaa ku faaneysa weerarka jamaacadda Ohio oo uu geystay qaxooti Soomaali ah oo markii horaba aan mudneyn inuu dalkeena joogo”, ayuu yidhi, Donald Trump oo bartiisa Twitter-ka hadalkan ku qoray.

Bilihii ugu danbeeyay, masuuliyiinta federaalka ayaa ka digay khatarta weerarada mintidiinta ay ku adeegsan karaan mindi iyo baabuur si ay dad u weeraraan.

Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee IS, ayaa ku guubaabisay dadka taageersan inay isticmaalaan wax walba oo ay weerar ku qaadi karaan.

Waxay kale oo ugu baaqday in dadka ay isticmaalaan baabuur, si ay u weeraraan xuska maalinta Thanksgiving Day, ee la isugu soo baxay magaalada New York maalmihii la soo dhaafay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.