WorldRemitAds

Madaxweynaha dalka Masar Jeneral Cabdifataax Sisi, ayaa si rasmi ah uga hadlay dhaawaca ciyaar yahanka reer Masar ee kooxda Liverpool, Maxamed Salaax ka soo gaadhay ciyaartii kama danbaysta ee “European Champions League.

Qoraal uu Madaxweynaha Masar Mr. Sissi ku baahiyay bogiisa shabakada xidhiidhka bulshada ee Facebook-ga uu ku leeyahay, ayuu ku sheegay, inuu caafimaad degdeg ah u rajaynayo ciyaar yahanka Maxamed Salaax.

SomlegalAds

“Waxaan Rejaynayaa in halyeeygaa reer Masar Maxamed Salaax degdeg u bogsado oo uu caafimaadkiisu fiicnaado, si dhakhso ahna ugu soo noqdo garoomada ciyaaraha, waa rejo aan la wadaago dhamaan dadka reer Masar iyo inta kubada cagta jecel ee aduunka oo dhan.” Ayuu yidhi madaxweynaha dalka Masar.

Maxamed Salaax, oo ka tirsan kooxda Kubadda Cagta Ingiriiska ee (Liverpool), ayaa ku dhaawacmay ciyaartii kama danbaysta ee “Finalka” oo ay isku haleeleen kooxda reer Spain ee Real Madrid, taas oo lagu qabtay caasimadda dalka Ukraine ee Kiev, waxaanu dhaawacu soo gaadhay daqiiqadii 25aad ee ciyaarta.

Dhaawaca xidigan caalamiga ah ee reer Masar ayaa walaac wayn ku abuuray taageerayaashiisa, waxaana si degdeg ah isu badashay sadaashii ciyaarta iyo rejadii kooxdiisa Liverpool, oo koobkii laga qaaday guushiina laga hantiyay.

Waxa kale oo markiiba walaac laga muujiyay suura galnimada ka qayb galkiisa ciyaaraha koobka aduunka ee dhawaan ka furmi doona dalka Ruushka, kaas oo uu kooxda xulka qarankiisa hogaanka u qabanayay, waxaana bilowday saadaalo rejo xumo leh oo la xidhiidha caafimaadkiisa, hasa yeeshee waxa cabsidaa soo afjaray, dhakhtarkiisa gaarka ah oo lagu magacaabo, Mohamed Abu El-Ela, oo rejo wanaagsan ka muujiyay ka qayb galka Maxamed Salaax ee Koobka aduunka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.